Qeybta Guud ee Isbitaalka Siyaad Dheryo-Dhoob oo Laga Faraxashay

Ceelgaras, Nov, 30, 2008 (COL) Waxaa farxad weyn inoo ah in aan halkaan ugu soo gudbino dhammaan bahweynta Dooxa ee dalka iyo dibadiisaba ku dhaqan ee ka qeyb qaatay horumarka deegaankooda, gaar ahaan dhismaha isbitaalka weyn ee Siyaad Dheryo-Dhoob sawiradii ugu dambeeyay oo muujinaya dhammaadka Qeybta Guud ee isbitaalka.

In kastoo aysan tani la macno ahayn in uu dhammaaday dhammaan dhismihii isbitaalka, haddana waxa ay tusaaleyneysaa in aysan ummadi u baahneyn in ay tujaar wada ahaato oo dad yar oo dan yar ah oo isu tagay ay wax weyn qaban karaan ama ay is bedel weyn sameyn karaan.

"Waxaa Eebe noo fududeeyay in aan dhinac iska marino qeybtii ugu weyneyd isbitaalka" ayuu yiri mas'uulka dhismaha isbitaalka Maxame C. Iidow. "Waxaanse rajeyneynaa in aan iyana xooga saarno qeybaha inoo haray walow ay howsheennu ku xiran tahay dhaqaalaha inasoo gaara."

Guriga labaad ee ah Qeybta Hooyada iyo Dhallaanka oo iyana lagu wado dhisme ayaa ku dhow dabool-saarkii. Kadibna sidii qeybtii hore oo kale ayay in muddo ah qaadan doontaa in la dhameystiro.

Dhigistii Mutuleelka

Mar uu Guuddoomiyaha Hay'adda Samafalka Dooxa Bashiir Ilkaweyne nala xiriiray ayaa waxa uu inoo sheegay in qeybta Hooyada iyo Dhallaanka loo qabo baahi weyn. Dumarka iyo carruurtuna ay yihiin kuwo u nugul dhibaatada caafimaad ee ka jirta deegaanka.

Hagaajintii Musqulaha

Ugu dambeyntiina waxaan leenahay dhammaan xubnaha taageerayaasha HSDooxa haka daalina dadaalka aad waddaan.

Sawiro dheeraad oo ku saabsan dhameystirka Block A inta ka daawo.


Xafiiska Ceelgaras
webmaster@ceelbuuronline.com

 


 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online