Muqdisho, Dec, 13, 2008 (COL)
Daahir Axmed Kaahiye waa walaal ka mid ah walaalaha reer Dooxo ee ku nool
maraykanka, isla markaasna ah odaga saldhigga u ah hawlgalka guud ee haya'adda
Samafalka Dooxo guud ahaan, gaar ahaan cariga Maraykanka.
Mudane Daahir, waxaa uu ka mid ahaa walaalihii hsdooxo ka aasaasay maraykanka,
kadibna ka shaqeeyay, naftiisana u huray sidii ay miro u dhali lahayd, dadaal
badana geliyay sidii haya'addu dibadda oo dhan loogu midoobi lahaa, oo hal
maamul loogu samyn lahaa.

Muadane Daahir ayaa hadda ka hor sannadadii 1997 iyo 2001 booqosho ku tagey
Deegaanka Dooxo, kormeer ballaarana kusoo kala bixiyay goobaha uu ka tirsan
yahay deegaanka dooxo, indhihiisana kusoo arkay dhibaatada guud ee haysata dadka
iyo deegaanka Dooxo.
Kadib markii Hsdooxo laga aasaasay Maraykanka, waxay horay uga jirtay Yurub, oo
iyagu ka shaqaynayay horumarinta waxbarashada deegaanka dooxo, ayaa waxaa
walaalaha reer dooxo ee maraykanku ku fikireen qaybta ay ka qaadan karaan
mashaariicda horumarineed ee deegaanka dooxo.
Maadaama reere yurub ay qaateen waxbarashadii, ayaa waxaa mudane Daahir axmed
kaahiye keenay fikirka ah in maraykanka ay ku habboon tahay inuu qaato qaybta
caafimaadka oo baahi culus ka jirttay, wax horay looga qabtayna aysan jirin,
wuxuu kaloo walaalkeen daahir raaciyay inay lama huraan tahay in Deegaanka
dhexdiisa laga dhiso Isbitaal Caalami ah oo haqabtiri kara baahida caafimaad ee
guud ahaan ka jirta Deegaanka dooxo.
Fikraddaas oo walaalaha reer Dooxo ee Maraykanka ay soo dhaweeyeen, ayaa
shirwaynihii ugu horeeyay lagu go'aansaday in la dhiso isbitaalka hadda
dhismihiisu ka socdo Degmada ceel-garas, waxaana guddiga maamulka hsdooxo ee
maraykanka ay go'aansadeen in isbitaalka loo bixiyo magaca ah siyaad dhery-dhoob.
Walaalaha reer dooxo ee Dibadda ku nool ayaa sannadkii 2005 samaystay maamul ay
kuwada dhan yihiin Yurub iyo North America oo leh hal guddoomiye hsdooxo, kaas
oo kusii fiday Abudabey, Southafrica iyo Kenya oo hadda gacanta lagu hayo,
taasina waa mahad ilaahey.
Waxaa sidoo kale jira rag iyo dumar fara badan oo ka tirsan walaalaha reer dooxo
ee ku nool dibadda oo runtii qaybo muhiim ah ka cayaaray horumarinta deegaanka
dooxo, waxaana ilaah uga baryaynaa inuu ka abaal mariyo, ajir iyo xasanaadna ka
siiyo AAMIIN.
Waxaan mustaqbalka rajaynaynaa inaan soo qorno taariikhaha walaalaha reer dooxo
ee gudaha iyo Dibadda ee kaalinta muhiimka ah ka cayaaray mashaariicda
horumarineed ee Deegaanka Dooxo.
Wixii cusub nagala soo xiriir Ceelbuue-Online.Com.
Xafiiska Muqdisho
webmaster@ceelbuuronline.com
Nagala
soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
© Ceelbuur Online
