HAMBALYO IYO MAHADNAQ

Muqdisho, Nov, 10, 2008 (COL) Guddoomiyaha Haya'adda Samafalka Dooxo Mudane Bashir C/laahi Abshir ayaa hambalyo iyo soo dhawayn wuxuu u diray Maamulka cusub ee Haya'adda Samafalka Dooxo ee laga aasaasay Waddanka South Africa.


Guddoomiyuhu wuxuu khadka teleefanka kula hadlay madaxa Hsdooxo ee South Africa Mudane Ahmed Caynab Cigalle (Daqarre), wuxuuna uga hambalyeeyay dadaalka badan ay sameeyeen iyo sida ay isugu xilqaameen inay ka mid noqdaan hsdooxo, una istaagaan taageeridda walaalahood reer dooxo ee ku dhibaataysan Deegaanka Dooxo ee G/Galgaduud ee Somaliya.
 
Sidoo kale Mudane Bashir Ilkawayne wuxuu maamulka cusub uga mahadceliyay taageerada dhaqaale ee ay usuu direen dhismaha isbitaalka Siyaad Dheryo-Dhoob oo ka socda degmada Ceelgaras ee deegaanka Dooxo, wuxuuna kula dardaarmay inaysan marna ka caajisin taageeridda mashaariicda horumarineed ee Hsdooxo ka waddo Deegaanka Dooxo, wuxuuna maamulka cusub ee dooxo southafrica ballanqaaday inay si joogto ah u taageeri doonaan mashaariicdaas, bil walbana wixii awoodooda ah soo diri doonaan.
 
Ugu dambayntii Guddoomiye Bashir wuxuu ugu duceeyay reer dooxo southafrica in dhibaatada ka jirta waddankaas ilaak ka badbaadsho, waxa ay bixiyeenna ajir iyo xasanaad ka siiyo,   AAMIIN      AAMIIN.
 
Wuxuu kaloo Mudane Bashir Ilkawayne ugu baaqay walaalaha reer dooxo ee ku nool Kenya iyo Sacuudi Careebiya inay ku daydaan South Africa oo xaqiiqdii ka dhibaato badan sharafta iyo qiirada ay muujiyeen oo ah wax lagu faano.
 
Dhismaha Isbitaalka Deegaanka Dooxo ee Ceelgaras ayaa ah mid si xawli ah ku socda ayadoo qaybtii ugu waynayd lagu wado dhigista mutaleelkii intii kalana lagu dhameeyay, sidoo kale qaybtii dumarka iyo caruurta ayaa dhismaheedu dhexda marayaa, ayadoo qaybtii seddexaad ee jiifka weli dhimman tahay.
 
Wixii nagu soo kordha kala soco ceelbuuronline.com

 

Xafiiska Muqdisho
webmaster@ceelbuuronline.com


 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online