Muqdisho, Sep,
07, 2008 (COL) Waxaa maanta oo Axad ah ah la filayaa in uu soo gaba gaboobo safarkii
Madaxa Hay'adda Samafalka Dooxo ee dalka Canada Mrs Faadumo Maxamuud Xabad ay ku maraysay wadamo ka tirsan Yurub, kaas oo daqli
uruurin ay ugu sameynaysay
dhismaha
isbitaalka siyaad dherya dhoob, gaar ahaan
qaybta dhallaanka iyo hooyada.
Sida uu
shabakadda Ceelbuur Online u xaqiijiyay Guddoomiyaha HSD Mudane Bashiir C/llaahi waxaa
maalinta oo Axad ah ku eg dhaqaale aruurintii F. xabbad ka samaynaysay
wadamo ka tirsan Yurub gaar ahaan Ingiriiska iyo Sweden, iyadoo gabdhaha reer dooxo
ee ku nool London iyo Sweden ay bixiyeen taageero
dhaqaale oo wax ku ool ah.
Guddomiye Bashiir
waxa uu si weyn ugu mahadceliyay Faadumo Xabbad dhaqaale uruurintii ay
kasameysay Sweden iyo
London iyo waqtigeeda qaaliga ah ay u hurtay howlaha
horumarineed ee dadka iyo degaanka Dooxa.
Mudane Bashiir
waxa uu iyana u mahadceliyay dadkii ka qayb qaadatay dhaqaale
aruurintaas, gaar ahaan gabdhaha reer Dooxo ee Sweden iyo London gacan
furnaantii ay muujiyeenta iyo sida ay ugu heelan yihiin in ay bixiyaan wixii
karaankoda ah si loogu caawiyo hooyooyinka walaalahood ah ee ku dhibaataysan gudaha
dalka gaar ahaan degaanada Dooxa oo aan haatan leheyn goob fayo dhowr ah marka
laga reebo isbitalka haatan dhismihiisa uu socdo
qeybo ka mid ahna ayba gabo gabo ku dhow yihiin..
Sidoo kale
guddoomiyaha waxa ugu baaqay gabdhaha reer Dooxo ee ku nool waddamada kale
ee caalamka inay
ku daydaan walaalahood muxsiniinta ah, taageeraana dhismaha qaybta dhallaanka iyo hooyada ee
isbitalka siyaad dheryodhoob ee haatan sida habsamida leh
uu dhismihiisa uga socdo deegaanka
Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud.
Xafiiska
Muqdisho
webmaster@ceelbuuronline.com
Nagala
soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
© Ceelbuur Online
