Warbixin ku saabsan halka uu marayo dhismaha Isbitaalka Siyaad Dheryo-dhoob iyo Sawiradii ugu dambeeyay.

Muqdisho, Sep, 11, 2008 (COL) Waxaa si xowli ah ku socda dhameystirka (Block A) oo ah qeybta guud ee isbitalka Siyaad Dheryo Dhoob, iyadoo haatan howlaha laga hayo qeybtaasi ay gabo gabo ku dhow yihiin.

Sida u xaqiijiyay Shabakadda Ceelbuur Online Mudane Iidow oo ah wakiilka dhismaha dhismaha Isbitalka ee Hay'adda Samafalka Dooxa  ayaa waxa uu shegay in haatan ay Block A ku socooto howsha salaaxidda iyo howlo kale, islamarkaana horey loosaaray saqafkii howsha qeytaasina ay gabo gabo ku dhow dahay.


Max'ed Iidow Wakiilka Dhismaha Isbitaalka HSD.

"Waxaan awood u leenahay hadii alle idmo dhameystirka Block A iyo in badan oo Block C ka mid ah" ayuu yiri Iidow.


Waa dhinaca Blcok A. Cabirka dhirirkiisuna waa 18 mitir.

Mudane Iidow waxa uu intasi ku daray in iyana la bilaabay block C oo ah qeybta isbitalka ee (hooyada iyo dhallaanka) oo isugu jira qeybta umulisada iyo jiifka, iyadoona qeybta dhiman ee block B oo ah (jiifka ragga) la rajeynayo in la bilaabo marka qeybta haweenka iyo caruurta ay gabogabo ku dhowaato.


Sawirqaaduhu wuxuu taagan yahay bartamaha Block A.

"Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeybqaadatay dhismaha isbitaalka Siyaad Dheryo-dhoob iyo guud ahaanba qorshaha horumarineed ee deegaanka Dooxa. Waxaan rajeynayaa in dadkii intanba dhisay in ay isku tashadaan oo ay dhameystiraan inta ka dhiman isbitaalka" ayuu yiri Iidow.

Ugu dambeyn Dadweynaha deegaanka Dooxa waxay aad ugu farxeen horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsadeen. islamarkaana diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan waxqabadka Hay'adda Samafalka Dooxa.



Waa wajiga hore ee Block A. Cabirkiisuna waa 42 mitir

Kala soco Shabakadda Ceelbuur Online Warbixinada iyo Sawiradii ugu dambeeyay ee Dhismaha Isbitalka iyo waxqabadka kale ee Hay'adda Samafalka Dooxa.

Xafiiska Muqdisho
webmaster@ceelbuuronline.com


 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online