Muqdisho, Jan, 21, 2009 (COL)
Waxaa maanta oo bishu tahay
jan-21-09, xoghayah caafimaadka Haya'adda Samafalka Dooxo Dr Osman Cabdulle
beentay, lagu wareejiyay Diinimadii biyaha ka soo qaadaysay ceelka una
gudbinaysay isbitaalka.
Guddoomiyaha Haya'adda Samafalka Dooxo Mudane bashir C/laahi Abshir ayaa u mahad
celiyay Ganacsade Axmed Caynab Cigalle(daqarre) oo ka mid ah walaalaha reer
dooxo ee ku nool South Africa, deeqdaas waxtarka leh ee uu u fidiyay isbitaalka
guud ee deegaanka dooxo, kuna tilmaamay mid ku dayasho mudan, uguna baaqay
ganacsatada kale ee u dhalatay deegaanka dooxo inay talaabo la mid ah talaabadan
qaadaan, kana qayb qaataan qalabaynta isbitaalka oo haatan la guda galay.

Guddomiyaha HSD ee Somalia C/llaahi Ciise oo guddoonsiinaya Agaasimaha
Isbitaalka S.DH.DH.H Dr Xasan Xuseen Xirsi Dinimadii Isbitaalka uu ku soo
tabarucay Axmed Caynab Cigalle oo ku sugan South Afrika.
Guddoomiyuhu wuxuu ilaah uga baryay in ganacsade Daqarre ka abaal mariyo deeqdan
qiimaha leh, dambigiisana dhaafo, AAMIIN.

Shalay ayay ahayd markii sidoo kale walaalaha reer dooxo ee ku nool yurub iyo
north america deeqdii ugu horaysay ee oo ah qalabaynta isbitaalka ku wareejiyeen
Dr osman beentay, waxaana la rajaynayaa aakhirka bishan in isbitaalku si ku meel
gaar ah u hawlgalo,baahida jirta wageed, si tartiib tartiib ahna loo qalabeeyo
qaybaha kala duwan ee isbitaalku ka kooban yahay.
Dhismaha isbitaalka ayaa weli socda, qaybta guud oo ugu muhiimsan ayaa ah mid
diyaar ah lana rabo hadda in la sii hawlgeliyo, qaybta dumarka iyo caruurta ayaa
ayadana waxaa ku socda dhismo, laguna xijin doonaa qaybta guud, kadib ayaa loo
gudbi doonaa qaybta jiifka ragga oo noqon doonta qaybta ugu dambaysa,
insha'allaah.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay ganacsatada reer dooxo ee Nairobi,
Kenya oo taageeradii dhaqaale ee ugu horaysay gaarsiiyay dhismaha isbitaalka,
ayagoo ballan qaaday inay sii xoojinayaan taageeradaas muddo gaaban guduhood.

Wuxuu kaloo mudane Bashir ilkawayne baaq u diray ganacsatada reer dooxo ee ku
nool sacuudi careebiya, kadib markii ay wadahadal la yeesheen mas'uul sare oo ka
tirsan hsdooxo ee canada Mudane C'risaaq Yuusuf Diini, soona dhaweeyeen ka qayb
qaadashada dhismaha iyo qalabaynta isbitaalka guud ee deegaanka Dooxo, mudane
bashir ilka wayne ayaa ka codsaday, kuna adkeeyay reer sacuudi careebiya inay
soo dadejiyaan deeqda ay ballan qaadeen, una taagnaadaan horumarinta deegaanka
dooxo.
Ugu dambayntii mudane bashir llkawayne wuxuu wax farxad leh ku tilmaamay isku
duubnida iyo midnimada ay muujiyeen walaalaha reer dooxo guud ahaan, gudaha iyo
dibaddaba, si ay u dhistaan deegaankooda, una hormariyaan walaalahood ku
dhibaataysan deegaankii, wuxuuna kusii adkeeyay inay sii kordhiyaan dadaalkooda
kuna sabraan dhibka ay u marayaan, ilaah ayaana idinka abaal marin doona ayuu
yiri mudane bashir ilkawayne, insha'allaah.




Ali Abdi Sh. Axmed (Calimahad)
Ceelbuur Online
Xafiiska Muqdisho
Nagala
soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
© Ceelbuur Online
