Muqdisho, Jan, 25, 2009 (COL)
Waxaa 01/20/2009 lagu wareejiyay agaasimaha Isbitalka
S.D.D.H Xasan Xuseen Xirsi qaar Qalabkii isbitalka (Hospital Equipments) uu adegsan
lahaa, waxaana qalabkaa agaasimaha guddoonsiiyay
Xoghayaha Caafimaadka
Hay'adda samafalka Dooxa Dr Cismaan Cabdulle Faarax.
Qalabkaan ayaa waxaa lagu sii furi doonaa
qeyta haatan dhameystiran ee Block A, iyadoo dhismaha qeybtan ay
dhammaatay dabayaaqadii sanadkii hore, waxaana haatan uu u baahan yahay
qalabeyn buuxda.
Sidoo kale
qeybta Block C
(Hooyada iyo Dhallaanka) wuxuu haatan ku dhow yahay gabogabo, alle haduu
idmo waxaa lagu wadaa in mar dhow la daboolo.

Dhismaha Hooyada iyo Dhalaanka oo Saqaf saar oo kaliya u harsan yahay
iyo Dhismaha Block A oo bilicsan oo gees ka muuqda
“Waxaan
u mahadcelinayaa dhammaan intii iska xilsaartay arrimaha Isbitaalka Siyaad
Dheryo-Dhoob” ayuu yiri Mudane Iidow oo ah Wakiilka Dhismaha Isbitalka ee
HSD.

Mudane Iidow waxa uu ka digay joogsashada dhismaha Isbitalka maadaama haatan
uu gabaabsi yahay Qarashaadkii lagu wadi lahaa Dhismaha ISbitalka qeybaha
haatan haray.

“Waxaa gabaabsi nagu ah kharashkii dhismaha lagu wadi lahaa, Haddii aan si
degdeg ah loo helin kharashaadkii ay jaaliyaduhu ballanqaadeen, dhismuhu ma
sii socon doono.”
Iskastaba ha
ahaatee alle (SXW) waxa uu u ballan qaaday dadka muxsiniinta ah ee maalkooda
alle siiyay wax ka bixiya uusan ajarkooda dayici doonin, sidaa daraadeed
waxaa hubaal ah in qofkaasi abaalmarintiisa ay aduunka ugu iman doonto ama
Aakhro uu heli doono.


Ali Abdi Sh. Axmed (Alimahad)
Calimahad03@hotmail.com
Ceelbuur Online
Xafiiska Muqdisho
Nagala
soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
© Ceelbuur Online
