Walaala Reer Dooxo ee ku nool Sacuudiga oo soodhaweeyay taageeridda dhismaha Isbitaalka Siyaad Dheryo Dhoob ee Deegaanka Dooxo.

Muqdisho, Jan, 28, 2009 (COL) Waxaa maalmahanba socday wadahadallo u dhexeeyay mas'uuliyiin sare ee ka tirsan Haya'adda Samafalka Dooxo iyo walaalaha somaliyeed ee u dhashay deegaanka dooxon ee G/Galagaduud kuna nool Sacuudi Arabia.
 
Mudane C/risaaq Yusuf Diini oo ah mas'uul sare ee Hsdooxo ee ku nool Canada, ayaa bishii hore kula kulmay magaaladda Jidda ee sacuudi arabia, mas'uuliyiin ka tirsan walaalaha reer dooxo ee ku nool Sacuudiga, waxayna ka wada hadleen qaabka ay uga wada qayb qaadan karaan mashaariicda horumarineed ee Hsdooxo ka waddo Deegaanka dooxo, gaar ahaan taageeridda dhismaha isbitaalka guud ee Deegaanka Dooxo oo haatan dhismihiisu ka socdo Degmada Ceel-garas ee deegaanka Dooxo G/Galgaduud.

Kualankaas oo is fagarad wacan ku dhamaaday, ayaa waxaa xigay kulan guul ku dhamaaday oo khadka teleefanka ku dhacay jimcihii la soo dhaafay ee 23-jan-09, kulankaas oo labada dhicacba warbixino ku saabsan waxqabadka Hsadooxo, wacyigelin iyo ballanqadba is dhaafsadeen ayaa waxaa ka qayb galay mas'uuliyiin sare oo labada dhinac ka socday, waxaana ka mid ahaa:
 
Dhanka Haya'adda Samafalka Dooxo waxaa uga qayb galay:
 
1-Guddoomiyaha Haya'adda Samafalka Dooxo           :Mudane Bashir C/laahi Abshir
2-Madaxa Caafimaadka Haya'adda Samafalka Dooxo  :Mudane Daahir Axmed Kaahiye
3-Xubin Guddiga Fullinta Haya'adda Samafalka Dooxo :Mudane C/risaaq Yuusuf Diini
 
Dhanka Sacuudiga ayaa kulan si heer sare ah loo abaabulay, mas'uuliyiin fara badanna  ka soo qayb galeen lagu qabtay Guriga Mudane C/casiis Caynte Khayre ee magaalada Jidda, waxaana dhankooda warbixino qiimo badan kasoo jeediyay mas'uuliyiinta soo socda:
 
Dhanka Sacuudiga Waxaa u hadlay:
 
1-Ugaas Cali Cabdulle Faarax
2-Mudane Jaamac Cali Barre
3-Mudane Axmed Warsame Afrax
4-Mudane Khaliif Farax Jaamac
 
Waxaa kaloo walaalaha reer Dooxo ee Sacuudigu u doorteen Mudane C/casiis Caynte Khayre isku xiraha labada dhinac, ilaa ay ka soo magacaaban doonaan mas'uuliyiin u matasha haya'adda Samafalka dooxo.
 
Walaalaha reer dooxo ee Sacuudiga ayaa soo dhaweeyay codsigii taageeridda mashaariicda hsdooxo, gaar ahaan taageeridda dhismaha isbitaalka oo haatan qaybtii dumarka iyo caruurta lagu jiro dhismaheedii, waxayana ballan qaadeen wixii awoodooda ah inay muddo gaaban ku gaarsiiyaan dhismaha isbitaalka siyad dheryo dhoob.
 
Guddoomiyaha Hsdooxo Mudane Bashir Ilkawayne ayaa u mahadceliyay walaalaha reer dooxo ee Sacuudiga, gaar ahaan mas'uuliyiintii ka qayb geshay shirka oo si dhiirigelin ku jirto usoo dhaweeyay codsigii taageerada ahaa, wuxuuna shabakadda ceelbuuronline u sheegay in maanta hsdooxo gaarsiisay dhammaan waddamada dibadda ee walaalaha reer dooxo ku nool yihiin, uguna baaqday in si wadajir ah looga qayb qaato taageeridda mashaariicda horumarineed ee Hsdooxo ka waddo Deegaanka dooxo, waana soo dhaweeyeen, kana qayb qaateen, dadaalkooda ayaana waxa aad aragteen lagu qabtay, ilaahna ajir iyo xasanaad haka siiyo ayuu kusoo gebo gebeeyay hadalkiisii mudane Bashir ilkawayne.

 

Ceelbuur Online
Xafiiska Muqdisho
                     


 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online