Siyaad Dherya Dhoobe Hospital ee degmada Ceelgaras oo shaqo bilaabay.

Muqdisho, Mar, 04, 2009 (COL) Waxaa dhawaan howl bilaabay Siyaad Dherya Dhoobe Hosbital ee degmada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud ka dib markii qeyb ka mid ah dhismaha Isbitalka ay dhameystirantay.
 

  Agaasimaha Isbitaalka Dr Xasan Xuseen Xirsi oo ay la xiriirtay Shabakadda Ceelbuur Online ayaa waxa uu sheegay in isbitaalka uu howl bilaabay taariikhdu markii ay ku beegneyd  01/01/2009, islamarkaana haatan uu si wanaagsan u shaqeynayo.so qeybta haatan shaqeysa oo ah qeybta bukaan eegtada ah.



  ”Isbitaalka wuxuu maalintii shaqeeyaa  7:00 AM ilaa 13:00 BM, waxaana qaabilnaa bukaanno kala duwan oo gaaraya 20 ilaa 25 kuwaas oo isugu jira Haween, caruur iyo dadka waaweyn” ayuu yiri Dr Xasan.

  Dr-ka waxa uu intaasi ku daray in bukaanada ay qaabilaan qaar wax ay ka qabtaan oo ay siiyaan dawooyin qaarkii kale ay wax ka qaban waayaanna ay talooyin siiyaan islamarkaana ay u fududeeyaan sidii ay u gaari lahaayeen goobta wax looga qaban karo.

  Agaasimaha Isbitalka waxa uu carabka ku dhuftay in Hay’adda Merlin oo kaliya haatan ay wax iska yar ku taakuleysay isbitalka, iyadoo bixisa daawo bishiiba mar iyo iyadoo bixisa mushaarka 4-qofood oo ah shaqaale hordhac ah oo ka shaqeeya isbitaalka qeybta haatan shaqo bilowday, balse haatan ay codsiyo kale u gudbiyeen Hay’adda Merlin kuwaas oo ay ka mid yihiin in Hay’addu isbitalka ka haqab tirto qeybta Maternity (qeybta dhalmada),  in ay  sameyso qeybta quudinta iyo ay ka qeyb qaadato dhameystirka qeybaha isbitalka ee harsan iyo qalabeyntoodaba.

  Sidoo kale Dr-ka waxa uu sheegay in haatan ay wadaan howlo  ay ku nooleynayaan isbitaalka sida tababaro loo fidinayo dadka degaanka Dooxo, iyadoo tuulo walba iyo degmo walba laga qaadanayo 2-qof ama 3-qof kuwaas oo bisha April bilowgeeda uu u furmi doono tababar sare loogu qaadayo aqoontooda, iyadoo haatan lagu howlan yahay daabicidda buugaagtii ay duruusta ka qaadan ahaayeen, waxaana qarashka ku bixi doono Tababarkaas sadex meelood meel bixisay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, taas oo mar walba u taagan horumarinta iyo garab qabashada mashaariicda lagu hormarinayo degaanka Dooxo.

 Ugu dambeyn Agaasimaha  Siyaad Dherya Dhoobe Hospital Dr Hasan Husein Hersi waxa uu madad celiyay Alle (SWT) uga baryay in uu ajar farabadan siiyo dhamaan dadkii bilaabay gacanna ka geystay dhismaha isbitalka islamarkaana haatan u taagan dhameystirka qeybaha haray ee wali aan howl bilaabin.

 

Dhageyso waraysi Dheer oo Dr-ka uu uga hadlayo meesha ay wax marayaan.  


Ali Abdi Sh. Axmed
(Calimahad03@hotmail.com  )

Xafiiska Muqdisho

webmaster@ceelbuuronline.com


 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online