Guddoomiyaha HSD Mudane Bashiir oo soo dhoweeyay heshiis ay gaareen maamulka isbitaalka S.D.D Hosbitaal iyo hay'adda Merlin.

Muqdisho, March, 30, 2009 (COL) Iyadoo si wanaagsan ay u socoto shaqada isbitaalka Siyaad Dherya Dhoob ee deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa jira guulo uu soo hooyey maamulka isbitaalka.

Guulahaas uu soo hooyey maamulka isbitaalka ayaa waxaa kamid ah in maamulka isbitaalka uu Siminaar u furay shaqaale gaaraya 30-qof oo laga kala keenay deegaanada kala duwan ee Doxa, waxaana markii hore lagu waday in Siminaarka loo furo shaqaale gaaraya 60-qof, balse haatan loo kala qeybiyey laba qeybood duruufo jira awgood.

Shaqaalaha Siminaarka loo furay ayaa waxaa la barayaa qeybaha kala duwan ee caafimaadka sida Gargaarka kalkaaliye nimada, ka shaqeynta MCH-yada iyo guud ahaan arrimaha caafimaadka quseeya, waxaana dhaqaalaha ku baxaya Siminaarkaan ay bixiyay Jaliyadaha Doha iyo shirkadda isgaarsiinta Hormuud .

Maamulka ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan heshiis la galay hay'adda Merlin oo ah hay'ad laga leeyahay dalka Ingiriiska, waxaana maamulka, Odayaasha Dhaqanka oo hay'adda Merliun codsatay in lagu soo daro heshiiska iyo hay'adda Merlin ay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin:

1) Inay la wareegto howlaha guud ee isbitaalka

2) in hay'addu ay dhameystirto dhismaha guud ee isbitaalka

3) Inay qabalabeyso Isbitaalka

4) Inay bixiso mushaaraadka Shaqaalaha Isbitaalka


Heshiiskaan horudhac ah oo ay kala saxiixdeen maamulka iyo Hay'adda Merlin xafiiskeeda Nairobi ayaa waxaa la filayaa inuu soo ansixiyo xafiska weyn ee hay'adda Merlin ay ku leedahay dalka Ingiriiska.

Guddoomiyaha hay'adda Samafalka Doxa Bashiir Ilkaweyne oo na soo gaarsiiyey war bixintaan ayaa u mahad celiyey maamulka isbitalka iyo hay'adda Merlin ee howsha fulinaysa, waxaana uu heshiiskaan ku tilmaamay mid sii kor dhinaya wax qabadka hay'adda Samafalka Doxa.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha hay'adda Samafalka Doxa Mudane Bashiir Ilkaweyne ayaa ku booriyey Jaaliyadah dibadda inay sii wadaan dadaalada ay ku caawinyaan wax qabadka isbitaalka Siyaad Dherya Dhoob oo hadda si wanaagsan uga shaqeeya deeegaanada Doxa.

Alle Haduu idmo waxaad Filataan Sawirada Siminaarka shaqaalaha  Siyaad Dherya Dhobe Hospital


Ali Abdi Sh. Ahmed (Calimahad)
calimahad03@hotmail.com
Ceelbuur Online
Xafiiska Muqdisho

 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online