Gartii loogu yeeray
Maalin maalmaha ka mid ah Siyaad oo wata rati dhaan ah, ceelkana ujeeda ayaa waxaa uu maqlay dad magaciisa ugu yeeraya oo leh 'Siyaad...siyaad', gadaal ayuu u fiiriyay wuxuu arkay labo nin oo xagiisa u soo ordaya, kadibna wuu ka sii jeestay oo socdaalkiisii sii watay.
Labadii nin oo xuurtoonaya oo dhididka seyrinaya ayaa ka daba yimid kuna yiraahdeen 'Siyaadoow rag ayaa halkaas fadhiya oo gar goyn waayaye, kaalay wax ka dheh'. Siyaad oo lagu yaqaanay murtida iyo garta aan eexda lahayn, lagana filayay in uu ragga garta u fadhiya kala qeybqaato ayaa wuxuu ku yiri raggii "Nin hoggaan hayaa, howraar ma toosiyo" wuuna iska sii socday oo dhaankiisii kaxeystay.
Labadii nin oo ka xumaaday goobta uu uga dhaqaajiyay Siyaad iyo xilligii gartu isku cakirnayn ee baahida loo qabay ayaa raggii geedka garta u fadhiyay dib ugu laabtay una sheegay in uu Siyaad diiday in uu galo gartaas. Nin raggii gogosha fadhiyay ka mid ahaa ayaa weydiiyay labadii nin hadalkii uu Siyaad ku jawaabay, waxayna u sheegeen in uu Siyaad yiri "Nin hoggaan hayaa, howraar ma toosiyo". Ninkii ayaa fahmay ulajeedada uu Siyaad ka lahaa hadalkaas wuxuuna ku yiri raggii intiisii kale 'Siyaad ma diidin in uu garta galo, wuxuu yiri ninna laba howl ma wada qaban karo hal mar, ee wuu na soo mari doonaa markuu soo dhaansado, waa in aan sugnaa'.
Maalin kadib ayaa Siyaad oo dhaankiisii wata soo maray raggii oo geedkii gartii u fadhiya, dhinac buu ka fariistay gogoshii. isla markaana gartii galay, gabogabadiina waa lagu heshiiyay.
Waxaa halkaas laga qaatay hadalka maahmaahda noqday ee ahaa "Nin hoggaan hayaa howraar ma toosiyo", oo ka mid ah maahmaahyada badan ee uu Siyaad reebay, macnaheeduna ku saleysan yahay "Ninna labo shaqo hal mar ma wada qaban karo"
Home 1 2 3 4 5 6 7 |