Xujadii Hasha
Maadaama uu Siyaad ahaa nin mudaawaadka yaqaanna, mucjisooyin badanna laga hayo ayaa sida caadada biniaadamku tahayba waxaa jiray dad aan Siyaad u aqoonsaneyn amaba u quuri waayay caqliga Eebe ku maneystay. Raggii iyagu su'aasha ka qabay caqliga lagu sheegay Siyaad ayaa go'aansaday in ay xujeeyaan, waxa ayna soo kaxeeyeen hal isla markaana masaar ayay afka uga soo rideen una soo kaxeeyeen meeshii uu joogay Siyaad.
Heerka ay nimanka hasha watay ka taagnayd in ay ku beeniyaan Siyaad waxa uu sheeganayo meel fagaare ah, waxaad ka garan kartaa, niman reer miyi ah oo go'aansaday in ay neef u qasaariyaan xujo darteed, oo ayna ku xadgudbeen neefka marka ay masaar laqsiiyeen.
Markii ay hashii u keeneen Siyaad ayaa waxa ay ku yiraahdeen "Siyaadoow noo sheeg hashaanu waxa ay qabto, oo ay la cabaadeyso?"
Siyaad waxa uu u yimid hashii, waxa uuna bilaabay in uu fiirfiiriyo, dhan walbana kala wareego. Waxa uu ka waayay wax nabar ah ama jab ka muuqda hasha, waxa kale oo uu ka waayay astaamaha lagu garto cudurada kale ee ku dhaca geela sida shubanka, kudka, cadhada, il qod, saan-reed, dhugato(hargabka) iwm.
Markii uu muddo ku wareegay ayuu yiri "Hashu maankeygay gadaye ma masaar bay laqday". Waxaa nimankii xujada maleegay argagax ku noqotay in uu Siyaad sheegay waxa ay ku sameeyeen hasha, halkaana uu ku fashilmay shirqoolkodii.
Halkaas ayay dadkii oo dhami ku qireen garaadka Eebe ku manneystay Siyaad Dheryo-dhoobe, hashiina lagu gowracay. Waxaa kale oo halkaas ka hirgalay maahmaahdii uu bixiyay Siyaad ee ahayd "Hashu maankaygay gadaye, ma masaar bay laqday", oo illaa iyo hadda dhaqan gashay.
Home 1 2 3 4 5 6 7 |