Hashu maankeygay gadaye ma masaar bay laqday?

Siyaad Dheryo-dhoob

 
 
   
 
Siyaad Qaasim Dheryo-dhoobe

 

Hordhac

Maxaad ka taqaan Caaqil Siyaad Qaasim Dheryo-dhoobe? Kumuuse ahaa?

Siyaad Dheryo-dhoobe wuxuu ahaa caaqil Soomaaliyeed oo noolaa muddo dadka taariikheeya ama isaga ka farcamay ay ku qiyaaseen illaa 400 oo sano ka hor ama 12 oday(awoowe) ka hor. Siyaad wuxuu ku dhasay ballida Xamur ee ka mid ah balliyada faraha badan ee ku yaal deegaanka Dooxa ee gobolka Galguduud.

Qaasim wuxuu ahaa nin nabaddoon ah aadna u caqli badan, lana oran karo Siyaad caqliga aabihii ayuu ka dhaxlay. Qaasim wuxuu kaloo ahaa nin xoolo dhaqato ah. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa Qaasim ka lumay awr ka mid ah geeliisii, wuxuuna isla markiiba ku dhaqaaqay in uu baadi goobo inta aanu gabalku dhicin.

Qaasim marna kuma fekerin in baadigoobka awrta ka luntay ay u horseedi doonto helitaanka marwo caqli badan oo hooyo u noqon doonta abwaan xikmaddiisa soomaali meel kasta oo ay joogto lagaga sheekeysto.

Qaasin wuxuu baadidii dabajoogaba, wuxuu goor casirkii ay tahay uu meel kayn horteed ah kaga soo baxay inan ari la joogta, kadib markii uu bariidiyay  ayuu weydiiyay in ay awr baadi ah aragtay iyo in kale? Ma arag bay ugu jawaabtay, hase yeeshee waxay markiiba raacisay tilmaanta awrta oo waxa ay tiri “Awrta mid ma il la’aa? Midna ma dabo go’naa? Mid kalena ma rarnaa?"

Waxa uu weydiiyey halka ay ku aragtay awrta ay tilmaamahooda sheegtay, laakiin waxa ay kaga yaabisay in aysan awrtaasi arag balse ay soo martay meeshii ay awrtaasi mareen. Markii uu weydiiyay sida ay gabadhu ku ogaatay tilmaamaha awrta ka dhumay waxa ay ku jawaabtay “In mid il la’i uu ku jiray waxaan ku ogaaday dhirta hal dhinac buu ka daaqayey kana buurtay, in uu midna dabo go’naa waxaan ku ogaaday saalada meel qura ayuu tuuminayay, in uu mid kalena culays siday waxaan ku ogaaday raadkiisa oo dhulka aad u diisaayay" waxa ayna raacisay in ay astaamahaas ku aragtay meel aan ka fogayn meesha ay goortaa ariga ku ilaashanaysay”.

Qaasim oo markiiba is tusay in uu helay baadi kale oo ka maqnayd baa gabadhii su’aalay halka ay reerahoodu yaallaan iyo arrimo ku saabsan qoyska inanta,  markii uu xogtaas helayna wuxuu u jiheystay halkiii ay gabadhu awrta ugu tilmaantay, nasiib wanaagse meel aan sidaa uga uga fogeyn buu ka soo  helay awrtii. Qaasim wuxuu u tababushaystay in uu Buullo Xuseen(gabadha magaceeda ) u soo geed fariisto.

Guurkii Bullo iyo Qaasim waxa ka dhashay Siyaad oo carruurnimadiisiiba ay soo if baxday kaydka caqil iyo xal-abbaarnimada Eebbe ku mannaystay, wuxuu kaga duwanaa ilmaha ay isku da'da yihiin isagoo marnaba aan ku mashquuli jirin waxyaabaha da' yartu waqtigooda isku dhaafiyaan, taa beddelkeeda waxa uu aad uga fakeri jiray sidii wax faa'iido u leh uu reeraha ugu soo biirin lahaa. Sancooyinkiisa badan bay dadka qaar sheegaan yaraantiisiiba inuu kula baxay magaca “Dheryo-dhoob”.

Siyaad wuxuu kaloo ahaa nin takhtar ah, kuna xeel dheer kabista lafaha, sanceynta dhirta dawada loo isticmaalo iyo waliba daweynta xoolaha iwm. Wuxuu kaloo daaweyn jiray qaniinyada halaqa.

Markii uu hanaqaadayba Siyaad Qaasim 'dheryo-dhoob' waxa uu la kowsaday tijaabooyin la mariyay garaadkiisa curdanka ah waxaana u billaabatay taxanihii qisooyinka Soomaali gees illaa gees caan ka noqday.

 

Home 1 2 3 4 5 6 7

 

Taariikhaha Siyaad Dheryo-dhoobe

Hordhac

Qisadii Qaraha

Qisadii Hasha

Qisadii Xog warran

Qisadii Magta

Qisadii Koore-dadab

Qisadii Garta

Mahadnaq

 

Taariikhaha kale

Maxamed Cabdulle Xalane

Elman Cali Axmed

Coming Soon