Qisadii koore-dadab
Sida la ogyahay nolosha reer miyigii hore ee soomaalida aad ayay u adkeyd marka loo eego xilliyada colaadaha iyo abaaraha. Xilliyada colaadda waxaa dhici jiray duullaamo beelaha soomaalidu isku qaadi jireen oo marka ay taasi dhacdana xoolo(Geel),iyo xarrago(Fardo) lagu kala qaadi jiray.
Haddaba waxaa dhacay in beri reerihii Siyaad col galay, dagaal lagu riiqdayna uu ka dhacay halkaa, kadib waxaa colkii duullaanka soo qaaday u suurto gashay in ay hore u sii taxaabtaan geenyo beesha Duduble dhexdeeda caan ka ahayd, Ugaaskeeduna lahaa in kastoo uu Siyaad si gaar ah u dhaqaaleyn jiray geenyadaas. Markii dagaalka lagu kala dareeray, dhaawaciina la kala fogeystay ayaa waxaa la ogaaday in ay geenyadii Ugaaska ay colkii u gacan gashay.
Waxaa loo saaray rag jilib culus ah sidii lagu soo celin lahaa geenyadaas oo astaan iyo sharafba u ahayd beesha laga qaaday. Siyaad Dheryodhoob ayaa noqday qofkii loo xulay in uu geenyadii ku soo celiyo xerada laga taxaabay, wuxuuna weysada u biyeystay sidii uu himiladaas u gaari lahaa.
Siyaad wuxuu soo socdaba, wuxuu goor barqo ah soo galay reerihii geenyada ay xeradooda ku jirtay, isagoo iska dhigaya doqon aan waxba garaneyn. Gabar uu dhalay boqorka reerahaa oo ari la joogtay baa aragtay, markii ay u aqoonsatay nin dhimman in uu yahay, ayaa waxa ay u soo kaxaysay xaggii reerka, una keentay aabaheed iyo odayaashii kale. Boqorka reerka oo ahaa nin shaki badan, ileyn waa nin dakano qaba oo nin kale geenyadiisna soo xareystaye, ayaa waxa uu Siyaad mariyay tijaabooyin badan si uu u hubiyo bal in ninku yahay nacas reerka agahiisa looga tagi karo iyo in uu yahay halyey isa soo dhammaagaya. Markii ay boqorkii u caddaatay in ninkani yahay nacas aan dhaqanka adduun waxba kala socon ayaa la soo dhoweeyay oo adeegaha reer boqor laga dhigay, iyadoo loo bixiyay magaca ah "dambas jiif" maadaama meelaha dabka lagu shido uu iska seexan jiray oo aanu nadaafadiisa dan ka lahayn.
Siyaad waxa uu soo xareyn jiray oo uu la joogi jiray fardaha boqorka Beesha oo ay ku jirto geenyadii uu daraadeed safarka dheer u soo maray, waxana uu noqday ninka kaliya ee xerada gammaanka iyo xoodaamiskoodaba uu boqorku u dirsan jiray, maadaama uusan boqorku u aamini jirin cid kale oo garanaysa waxtarkooda.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa si kadis ah isaga oo aan filayn u daawanaysaysay gabadha boqorka beesha xilli uu laxawsanayay geenyadii uu soo dhaqaaleyn jiray oo marka ay aqoonsatay gurxan kala joojin waysay, arrintaas oo shaki ku dhalisay gabadhii boqorka. Shakigii ay qaadday bay aabaheed u sheegtay waxaana la go'aansaday in la hubiyo bal in
ninkani fardofuul yahay iyo in kale. Meel fagaare ah baa looga yeeray waxaana la faray in uu faras geed ku xiran ka soo furo oo uuna soo heenseeyo. Hase yeeshee mar qura ayaa dadkii meesha isugu yimid qosol la kala dareereen, inantii shakiga kicisayna yaxyax la sii jeesatay markii uu Siyaad koorihii faraska dhankii qaldanaa u rogay kuna soo xiray faraskii. Dabadeedna waxaa halkaas uga baxay Siyaad magacii labaad oo ah "koorodadab".
Boqorkii sidaa ugama uusan harine wuxuu gabadhiisii ku yiri 'Nin kaan waa ka shakiyaye, orodoo u fadhi xumme'. Gabadhii boqorka ayaa maalintii dambe u timid Siyaad ee meel iska fadhiya, soona hor kadan-koodsatay iyadoo u fadhi xumeyneysa, oo aan cowradeeda ka qarsaneyn. Siyaad ma uusan gaagixine, inta farta uu ku fiiqay gabadha alaabteeda ayuu yiri "Naa ma dagaal baad gashay, oo meeshaas ma waran baa kaaga dhacay". Gabadhii uma jawaabine way ka dhaqaaqday, waxayna aabaheed u sheegtay wixii dhacay. Sidaas ayuuna boqorkii reerku ku shaki baxay.
Siyaad waxa uu dhaandhaan iska dhigo, marba si silloon oo lala yaabo u dhaqmaba, waxa ugu dambeyntii u timid fursaddii uu muddada sugayay. Galab ayaa boqorka reerku faray Siyaad in uu soo kaxeeyo geenyadii oo lagu diyaariyey geed hoostii loona qalabeeyey si heer sare ah si loogu dabbaaldego inanta boqorka oo la aroosayay. Waa siduu Siyaad rabaye, intuu geenyadii si xarrago leh u soo fuulay oo madashii shirka ula soo dhowaaday buu markii la weydiiyay “waa kuma ninka geenyada ku joogaa?” wuxuu ku jawaabay “marna waa dambas jiif, marna waa koorodadab, marna waa kii lahaa”. Intaas kuma ekaane wuxuu madashii odayaashu fadhiyeen ku soo sayriyey wasakh uu ula jeeday in uu ku muujiyo sida aanu ugu qanacsanayn habkii ay ula dhaqmeen iyo colaaddii ka horreysay ee ay geenyada ku soo qafaasheen. Siyaad oo awalba aqoon u lahaa geenyada uu saaran yahay orodkeeda in aan faras kale cago ku gaari karin, ayaa la beegsaday jihadii reerkoodu ka jiray isagoo niyada ku haya in uu col soo dabajoogo.
Durbadiiba waxa la agaasimay ciidankii iyo fardaha midba midkii uu ka dheereeyay si ninka geenyada qaaday looga soo reebo, hase yeeshee geenyada oo aan gammaan cago ku barbareeya weli hore loo arag ayaa ka cid gashay colkii ku raad joogay. Halkaasna waxaa beesha Siyaad ay sharaf ku aqoonsadeen qofnimadiisa qaaliga ah, boqorkii is jecleysiiyay geenyo aan isaga u dhalanna wuxuu ogaaday in uu Siyaad ahaa nin caqli badan, doqonnimona ay kala fog yihiin.
Home 1 2 3 4 5 6 7
|