Qisadii Mag ari
Waxaa jirtay in uu dagaal dhex maray beesha uu Siyaad ka dhashay ee Duduble iyo beel kale, dad badan oo laba dhinacba ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen. Sida caadada Soomaalidu ahayd ama hadda tahayba markii gogoshii heshiisiinta la isugu yimid ayaa la xisaabtamay oo dhimashadii la isu tirsaday. Beeshii Siyaad ayaa laba nin la dheeraaday oo diyadoodii lagu yeeshay.
In kastoo waqtiga hadda la joogo diyada lacag lagu bixiyo, xilligii qisadani dhacday geel ayaa lagu bixin jiray diyada, lacagna lama aqoon. Subixii dambe ayaa Siyaad diyadii ari u keenay, dadkii oo dhamina ay wada fajaceen, filanwaana ku noqotay falka uu ku kacay Siyaad Dheryo-dhoobe.
Sida la wada ogsoon yahay garta Soomaalidu waa mid furan oo waxaa ka soo qeybgala dadka oo dhan, si loo ogaado waxa lagu heshiiyay iyo in ay raali ka yihiin labada dhinac ee la dhexdhexaadinayo. Maalintaana waxaa gogosha joogay qabiilo kale oo Soomaali ah, si ay uga marqaati noqdaan heshiiskaas.
Dadkii oo dhan ayaa weydiiyay Siyaad sababta uu ari diyada ugu bixinayo, maadaama uu dhaqanku ahaa geel in lagu bixiyo. Siyaad oo ku adkeystay in uu arigu geela ka wanaagsan yahay, kana manaafacaad badan yahay ayaa waxa uu ku qeexay arigii sidan "Labo ragga ayay la wadaagtaa, labana dumarka, labana geela, labana fardaha, labana lo'da, labana wey sii dheertahay". Dadkii ayaa weydiistay Siyaad in uu faahfaahiyo wixii uu tiriyay oo dhan.
Siyaad sida la sheegayba dan ayuu ka lahaa diyada ariga lagu bixiyay, waxaana ka go'nayd in uu ka qanciyo reerihii diyada ku lahaa iyo beeshii uu ka dhashay oo aan ku faraxsaneyn ficilka uu muujiyay. Siyaad wuxuu ku bilaabay faahfaahintiisa sidan:
Labo ragga ayay la wadaagtaa, oo waa 'garka iyo xuurada'
labo dumarka ayay la wadaagtaa, oo waa 'labaca iyo laab-nugeylka'
labo geela ayay lawadaagtaa oo waa 'qatinka iyo qajaajufka'
labo fardaha ayay la wadaagtaa oo waa 'gurdanka iyo gaalibka'
labo lo'da ayay la wadaagtaa oo waa 'qoobabka iyo geesaha'
Siyaad wuxuu ku soo gabogabeeyay labadii uu danta ka lahaa oo wuxuu yiri:
'labana waa ay dheertahoo, iyadoo labo jir ah ayay laba qooxood dhexdood iska seeddaa, oo ay laba jirna kaa seexisaa(kaa dherjisaa).
Dadkii oo dhami waa ay garowsadeen hadaladii Siyaad, reerihii diyada ariga lagu siiyayna waa ay aqbaleen, halkaas ayaana lagu heshiiyay oo gartii ku xirantay. Ninkii reerka diyada qaatay u ahaa madaxda ayaa markuu u adkeysan waayay hadalii Siyaad, una arkay in laga gar helay, inkaar la beegsaday Siyaad, oo yiri 'Labo labo badanaa, labo aan is-geyn ha kaa harto'.
Siyaad intaa kuma ekeyne wuxuu yiri hadal kale oo taariikhda galay illaa iyo maantana maahmaahda Soomaalida ku jira. Wuxuuna yiri:
'Geel iyo wixii gooyaa, waxba isma gaado dhaamaan'
Inkastoo dadka geela dhaqda ay ku culus tahay in arigu geela ka wanaagsan yahay, haddana waxaa halkaan ku cad in ay beeshii Siyaad ari ku bixiyeen diyadii, iyagoo awood u lahaa in ay geel ku bixiyaan.
Maalintaa waxaa taariikhda dhaqanka Soomaalida galay hadalo ama arrimo dhowr ah oo ka dhacay gogoshaas. Waxaa goobtii ama geedkii garta loo bixiyay illaa iyo haddana loo yaqaan 'Mag Ariile'. Reerihii iyagu diyada ku qaatay arigana waxaa loo bixiyay illaa iyo maantana loo yaqaan 'Ciise Riyoole', waxayna degaan gobolada bari ee Soomaaliya. Inkaartii Siyaad lagu riday oo ahayd 'labo labo badanaa, labo aan is geyn ha kaa harto' waa ay haleeshay Siyaad, oo dad badani kama farcamin.
Home 1 2 3 4 5 6 7 |