Qisadii Qaraha
Qisadani waxa ay ka mid tahay qisooyinkii badnaa ee lagala haray Siyaad Dheryo-dhoobe, in kastoo qisooyin badan oo kale ah aan hada lahayn oo ay kala lumeen.
Waxaa ragga qaar caada u ahayd in ay Siyaad su'aalo fara badan loola yimaado, iyadoo la oran karo waxay ahaayeen aqoon kororsi iyo xujeyn intaba. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa Siyaad loo keenay haan afka ka daboolan, lana soo niggaxay. Waxaana lagu xujeeyay in uu sheego waxa haanta ku jira, isaga oo aan furin ama haruubka ka qaadin haanta.
Siyaad ma ahayn nin ay xujo ku cusub tahay, iyadoo hore loo soo marsiiyay xujooyin kale oo qalafsan. Waxa uu bilaabay in uu rogrogo haantii oo uu darso waxa ku jira, isaga oo aan furin. Danta laga lahaa ayaa ahayd in lagu fashiliyo aqoonta iyo caqliga uu sheeganayo, waxa ayna dhalisay in haantan daboolan oo xirxiran gudaheeda waxa ku jira la weydiiyo.
Siyaad laguma sheegin taariikhdiisa in uu ahaa nin falfalka isticmaala oo yaqaana. Balse, waxaa lagu sheegay in uu nin caqli badan, una fiirsada hadaladiisa.
Wuxuu hadba dhinac u gadiyo haantaba, oo marba dhinac ka istaago wuxuu yiri:
'wuxu qoyaan kama taggana, qaleylna kama taggana ee ma xabbad qare ah baa'.
Markii haantii la furayna waxaa laga dhex helay hal xabbo oo qare ah. Dabcan, sida aad hadda ula yaaban tahay sida uu ku gartay waxa ku jira haanta afka ka xiran, ayaa loola yaabay muddo laga joogo afar qarni in ka badan.
Waxaanse hadalkeygii ku soo gabogabeeyay in aan uga harno in ay tahay arrin 'mucjiso' ah.
Home 1 2 3 4 5 6 7
|