Hashu maankeygay gadaye ma masaar bay laqday?

Siyaad Dheryo-dhoobe

 
   
   
 
Siyaad Qaasim Dheryo-dhoobe

 

Qisadii Xog warran

Sideedaba waqti kasta waxa uu leeyahay dad u gooni ah oo laga wareysto wixii markaa taagan ama horay u dhacay, Siyaadna xiligiisii wuxuu ka mid ahaa dadka iyagu looga dambeeyo fikradaha iyo oraahyada taariikhiga ah. Dadka caaqiliinta ah waxaa badanaaba la weydiiyaa su'aalo fara badan oo ulajeedaoodu tahay in lagaga faa'iideysto ama lagaga reebo oraahyo, maahmaahyo ama murtiyo taariikhda gala.

Maalin iyada oo goob shir ah la joogo, loona wada dhan yahay ayaa waxa Siyaad la weydiiyay su'aalo si bal looga faa'iideysto caaqilka. Su'aalaha la weydiiyay Waxa ay ahaayen kuwo si toos ah ama si dadban u khuseeya dadka oo dhan. Akhristoow in kastoo sheekadani dhacday in ka badan 400 sano kahor, haddan su'aalaha la weydiiyay iyo jawaabaha uu Siyaad ka bixiyayba waxaa laga yaabaa qaar ka mid ahi in ay ku quseeyaan ama aad la kulantay. Waxayna su'aalihii u dhaceen sidaa:

Dadkii: Siyaad, bal ka warran samaanta iyo xumaanta ragga?

Siyaad: Rag samaantiis waa "waxaada wax ka sii, wixiisana baahi u cun. Xumaantiisana ninkii ka abaal dhaca wax ka weydiiya, isagaa iiga aqoon badane".

Dadkii: Ka warran samaanta iyo xumaanta dumarka?

Siyaad: dumar samaantiisa waa "u samir ama ka samir. Xumaantiisana ninkii labada cir-guduud la tirsada wax ka weydiiya, isagaa iiga aqoon badane".

Dadkii: Ka warran geela samaantiisa iyo xumaantiisa?

Siyaad: Geel samaantiisa "waa korkiisu hakaa qarsanaado, koortiisuna hakuu yeerto. Xumaantiisana ninkii sadex jir ka rartay, lix jirna raaciyay wax ka weydiiya, isagaa iiga aqoon badane".

Dadkii: Ka warran lo'da samaanteeda iyo xumaanteeda?

Siyaad: Lo'da samaanteedu waa "labada hore biyo ha kula jirto, labada dambena cows. Xumaanteedana ninkii sadex qadiyay, eregna u dhiibtay wax ka weydiiya, isagaa iiga aqoon badane".

Dadkii: Ka warran ariga samaantiisa iyo xumaantiisa?

Siyaad: Ariga samaantiisa waa "meel il bannaan leh ha daaqo, arad wanaagsanina ha xanaaneyso. Xumaantiisana berrin ood cas leh ninkii ku furay wax ka weydiiya, isagaa iiga aqoon badane.

Dadkii oo dhan waxaa halkaa uga caddaatay in uu Siyaad yahay nin xikmad badan oo laa faa'iideysto Eebe ku mannestay. Maalintaana su'aalihii uu jawaabta ka bixiyay waxaa laga heli karaa nolosha bini'aadamka meel kasta oo ay jogaanba.

 

 

Home 1 2 3 4 5 6 7

 

Taariikhaha Siyaad Dheryo-dhoobe

Hordhac

Qisadii Qaraha

Qisadii Hasha

Qisadii Xog warran

Qisadii Magta

Qisadii Koore-dadab

Qisadii Garta

Taariikhaha kale

Maxamed Cabdulle Xalane

Elman Cali Axmed

Coming Soon