MN, Aug,
15, 2008 (COL)
By Mohamed Haji (Ingiriis)
Minneapolis, MN
Email: Ingiriis@yahoo.com
Professor Axmed
Ismaaciil Samatar wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada waaweyn ee Soomaalida
kuwooda safka hore, hadduusanba ahayn kan koowaad. Waa indheergarad maskax-maal
ah oo si joogto ah isha ugu haya waxa ka socda Soomaaliya iyo adduunkaba. Wuxuu
aad u taxliiliyaa is-beddelka xaaladaha caalamka. Wuxuu wax ku bartay dalka
Mareykanka muddo hore. Wuxuu haddeer hormuud (Dean) ka yahay Institute for
Global Citizenship, Macalester College. Sidoo kale, waa James Wallace Professor
ee dhinaca culuunta caalamiga (International Studies). Wuxuu shahaaddada B.A. ka
qaatay University of Wisconsin (La Crosse) sannadkii 1978-kii. Saddex sano
kaddib 1981-kii, wuxuu shahaaddada M.A. ka qaatay University of Denver. Isla mar
ahaantaas, wuxuu shahaaddada Ph.D. ku diyaariyey isla jaamicaddaas sannadkii
1984-kii. Prof Samatar, wuxuu muxaadarooyin ka soo jeediyey jaamicado iyo
kulliyado dhowr ah oo ay ka mid yihiin; University of Amsterdam, Cornell,
Harvard, Iowa, London School of Economics and Political Science, Oslo
University, University of Pennsylvania, Jaamicaddii Ummadda Soomaaliya, Toronto
University, York University, School of Oriental and African Studies (SOAS) ee
Jaamicadda London iyo Wellesley College. Wuxuu wax ka qoray, kana tifatiray
dhowr buug - waxaa buugaagtiisaas ka mid ah; The Somali Challenge: From
Catastrophe to Renewal, Socialist Somalia; Rhetoric and Reality,
The State in Africa: Reconsiderations, Somalia:
State Collapse, Multilateral Intervention, and Strategies for Political
Reconstruction iyo Literature, the Creative Imagination and Globalization.
Wuxuu qoray in ka badan soddon maqaal-cilmiyeed. Wuxuu tifatire ka yahay
journal-ka Bildhaan oo ah kii ugu horreeyey ee caalami ah ee falanqeeya
culuunta Soomaalida. Wuxuu kaloo tifatire ka yahay 22 qaybood oo ka mid ah
Macalester International oo ah warside waxbarashada iyo caalamiyeynta. Prof
Samatar oo ah Fulbright Fellow, cilmi-baarista uu hadda ku dhex jiro waa
hoggaaminta iyo khibradda Soomaalida. Waxaa ii suura-gashay inaan dhawaan
xafiiskiisa oo ku yaalla magaalada St Paul ee gobolka Minnesota kula kulmo,
kulana sheekeysto. Waxaa na dhex maray is-wareysigan:
Su’aal: Dr Samatar,
marka hore waxaan jecelahay inaad guud-martid taariikh nololeedkaaga - halkii
aad ku dhalatay, ku soo barbaartay iyo sidii aad ku timid waddankan Mareykanka?
Jawaab: Anigu waxaan ku
dhashay magaalo la yiraahdo Gebiley oo ku taalla woqooyiga Jamhuuriyadda
Soomaalida, taas oo magaalada Hargeysa galbeed ka xigta illaa 40ml. Waa dad
badankood ay beeraleey yihiin oo deegaan ah, inkasta oo xoolo dhaqato-na ay ku
dhow dahay. Waa meel roobka ku wanaagsan oo aad u
qurux badan. Dadku iminka wuu ku soo batay. Halkaas ayaan school-ka hoose iyo
malcaamadda Qur’aanka labadaba ka galay. Aabbaheey wuxuu ahaa qofkii madaxda u
ahaa dhismaha school-kii ugu horreeyey ee magaalada laga dhiso ee xadaaradda
cusub ah oo xisaab, af-Ingiriisi iyo af-Carabi lagu dhigo. Dabadeed waxaan u
gudbay Camuud oo magaalada Boorame ka hooseysa 5ml oo iyaduna aad u qurux badan
oo meel beero iyo webiyo leh oo buuraha hoostooda ku taalla. Camuud waxaan ka
galay school-ka dhexe ee intermediate-ka. Afar sannadood ayaan ku jiray – waa
school la seexdo oo wax laga cuno oo boarding ah. Kaas markuu ii dhammaaday
waxaa Camuud laga dhisay school sare oo thanawi ah, halkaas ayaan dabeetana u
wareegay oo aan ku jiray afar sano dugsiga sare. Markaan dhammeeyey dugsiga sare
ee Camuud waxaa na laga qaaday imtixaan markaa lagu soo sixi jiray England.
Markii imtixaanku noo dhammaaday waxaan imid magaalada Hargeysa. Waxaa na lagu
soo rogay ciyaarsiis, in qof walba uu galo tababar xagga militariga ah oo ahaa
national service, ka hor inta aan la gelin scholarship iyo waxyaabahaa. Tii baan
ku jiray muddo saddex bilood ah. Dabadeed Xamar baan tagay oo qof walba isku
shubayey. Waxyaabaha kadeedka inoo keenay waxaa ka mid ah in wax walba meesha
xarunta ah laga sameeyo, taasoo ah waxyaabaha xagga horumarka wadammada Africa
ee soo koraya dhibaatada u keenaya in magaalo qura uu faynuusku ka daarnaado oo
wax walba laga sameeyo. Xamar baan nimid, gaar ahaan intii ka soo baxday
dugsiyadii sare – dhinaca woqooyiga laba dugsi sare baa ku tiillay (Camuud iyo
Sheekh) iyo mid Xamar ku yiillay. Imtixaan baa na laga qaaday xagga idaacadda.
Waxaa la doonayey saddex qof in la qaato. Imtixaankii baan galay, oo lagaa
qaadayo beddelaadda Soomaali iyo Ingiriisi, iyo Ingiriisi iyo Soomaali, codkaaga
la eegayo, qorniinkaagana la eegayo. Toddobaad in ku dhow buu imtixaankaasi
socday. Markaa anigu waxaan noqday kii koowaad, waxaana galay Radio Mogadishu.
Waxaan ka shaqeeyey waxaan sannad ahayn, dabadeedna BBC-da ayaa doonaysay dad
kale oo Soomaali ah oo dhallinyaro ah inay qaadato. Markaa imtixaankii baan
galay oo aan isna kii koowaad noqday, halkaas ayaana laygu tababaray oo aan
BBC-da ka shaqeeyey afar sannadood in ku dhow. Markaan muddo England joogay oo
aan Jaamacadda London-na fasallo ka qaatay, waan ka daalay howshii, waxayna ila
noqotay inaan u baahanahay inaan tacliinteyda sii kordhiyo. Waxaan imid waddanka
Mareykanka oo markaa ahaa waddan cajiib ah oo dhallinyarada adduunkoo dhami ay
eegayeen. 1974-kii ayaan imid waddanka Mareykanka oo aan waxbarashada sare ka
billaabay.
S: Sidaad ka
war-qabto, waxaa jira cabsi ku saabsan in Soomaaliya uu ka socdo gumaad iyo
barakicin ay dadka rayidka ah u geysanayaan ciidammada Itoobiya ee ku duulay
dalkii. Maxay dagaallada socda kuula muuqdaan?
Shaqsiyan, ma kula tahay in xasuuq (genocide) ama isir-sifeyn (ethnic cleansing)
lagu sheegi karo madaafiicda ay ciidanka Itoobiya maalin kasta ku ridayaan
goobaha rayidka?
J: Waa su’aal
ballaaran. Anigu in badan baan ka hadlay, wax badanna waan ka qoray. Horta dadka
Soomaalidu iyagaa is gabay oo halkaan is dhigay. Itoobiya kuma aysan soo
duusheen haddii aanay jirin dowlad iyo madax dhab ah. Maanta waxay ugu soo
dhacday inay soo duusho waxaan jirin cid albaabka ilaalinaysa. Aniga waxay ila
tahay saddex arrimood ayaa u sabab ah soo gelidda Itoobiya ee waddanka ay
qabsatay; 1. Itoobiya oo weligeedba doonaysay inay Soomaaliya ka dhigato meel ay
xukunto ama dad u xukuma ay u joogaan, waayo dhul bey naga haysataa iyo iyadoo
badda hunguri ka hayo oo doonaysa meel ay saani xoolaheeda uga soo dejisato. 2.
Dowladda ku meel gaarka dadka hoggaamiya oo iyaguna saaxiib la ah Itoobiya,
muddo dheerna halkaa joogay oo heshiis ku yeeshay inay madaxtinimada ay heleen
ay Itoobiya u adkeyso. Shirkii Nairobi ka dhacay, dowladda Itoobiya gacanta aad
bey ugula jirtay, waxayna ku guuleysatay in dadkii ay doonaysay ay shirkaa ku
soo baxaan. 3. Dadkii Soomaaliyeed ee waddanka deggenaa oo qaasatan ay ugu
horreeyaan nimankii wadaaddada ee Maxkamadaha Islaamiga oo intii gaabnayd ee ay
waddanka hayeen shaqa wanaagsan ka qabtay, haddana qashiinnimo, badownimo,
degdeg iyo hanjabaad aan loo baahnayn ay ka timid. Meel la doonayey in dab laga
shido ayay batrool ku shubeen, Itoobiyana marmarsiinyo ayay ka dhigatay.
Qasaaraha ay keentay Itoobiya waa mid aan weli sheekadiisa la gelin. Dad badan
oo Soomaali ah ayaa lagu baa bi’iyey. Aniga tirada i soo gaartay waa 6,000 inay
ku dhinteen, 20,000 in ku dhowna ay ku dhaawacmeen, malyuun in ku dhowna inay
xoolahoodii ku baa be’een oo ay cidla iyo cadceed iyo haraad ay is haystaan.
Markaa dowladda Itoobiya mas’uuliyad weyn ayay ku leedahay, xisaabteedana
markaan madax dhab ah yeelanno oo aanu dad noqonno ayaa la geli doonaa.
S: Waxaa
taariikhyahannada iyo culumada cilmiga Anthropology ee ay ka midka yihiin; Dr
Saadia Touval, Dr Maxamed Cabdi (Gaandi) iyo Dr Ioan M. Lewis ay isku wada
raacsan yihiin in markii ugu horreysay ee la maqlo magaca 'Soomaali' laga dhex
maqlay gabay-digasho ah oo uu tiriyey nin boqor ka ahaa Itoobiya qarnigii
14-aad, kaddib markii uu dagaal kaga guuleystay dad Soomaali ahaa.
Markaa ka hor, magacyadii Soomaalida loogu yeeri jiray waxay
ahaayeen Zinji iyo Berber, sida ku cad qoraalladii ay ka tageen sahmiyeyaashii
Carbeed, Ibni Batuuta iyo Ibni Saciid. Haddaba, sidee lagu soo afjari karaa
colaadda hakan weyday ee Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeysa toddobada qarni? Ma
kula tahay aragti dhaxalgal ah in Soomaaliya ay la saxiixato Itoobiya heshiis
100 sano oo colaad joojin ah?
J: Colaadda Soomaaliya
iyo Itoobiya u dhexeysa waa laga heshiin karaa, boqol sannadoodna uma baahna.
Waqti gaaban oo aad u gaaban ayaa lagu dhammeyn karaa, laakiin xagga Soomaalida
markaad ka eegtid waa in la helaa ummad dhisan oo madax karti leh oo dooddeeda
meel marisa, oo ilaalisa Soomaalinnimada waxay tahay. Inta aynaan taa helin ma
dhaqaaqi karno. 1960-1990, dowladda Itoobiya kuma ay dhacdeen inay Xamar soo
gasho, waana wax cusub waxani. Waajibka ina saarani waa in la helo dad madax ah
oo karti leh oo xalaal ah oo ummadda hadalkeeda adduunyada gaarsiiya, isla
markaana daafaci kara marka shirarka adduunyada la isugu yimaado oo waxgarad ah.
Tan labaad waa in Itoobiya laga helo dowlad garanaysa ku duulitaanka derisku
inay xaaraan tahay, inay dadka Soomaalida iyo dadka reer Itoobiya waxyaabo badan
oo wanaag ah ay wadaagaan, dantooduna ay isku xiran tahay, biyo ha noqoto, doog
ha noqoto, energy ha noqoto, caafimaad iyo aqoon ha noqoto. Waxaa lagama
maarmaan ah in la iska gaashaameysto oo la iska baheysto dhibaatooyinka adduunka
ka taagan, oo dhan looga soo wada jeesto. Itoobiya waxaa laga raadinayaa in laga
helo madax aaminsan oo maskaxdoodu tahay Pan-Africanism. Soomaaliduna waa in
laga helaa geedo dhaadheer oo u taliya oo adduunyada fahamsan oo aqoon iyo karti
leh. Labadaas haddii la isla helo wax waa la isla fahmayaa, cadaawaduna ma
noqonayso mid boqolaal sano sii jirta, hadda ayaa la dhammeyn karaa. Haddii
intaa la waayo, colaaddu ma dhammaanayso.
S: Muddadii ay
Maxkamadaha Islaamigu xukunka Soomaaliya hayeen waxay soo bandhigeen maamul aan
dowli ahayn. Markaan aqoon ahaan u eegno, maamulkoodu wuxuu u ekaa maamul ay
xukunkiisa wadaan dad xaakimiin ah (Theocratic Krystocracy). Haddii taariikhda
dunida dib loo qooraansado (historically speaking), maamulka noocan ah waa mid
ku cusub taariikhda casriga ah. Sidaa awgeed, ma kula tahay in erey-bixinta ay
qaadan kareen ay ahayd Kritarchy (maamul ay xukunka hayaan xaakimiin)?
J: Anigu taa wax baan
ka qoray sannadkii la soo dhaafay 2007-dii, gaar ahaan buug ku saabsan safarka
is beddelka ee waddanka Soomaalidu ku jiro oo dhaqaalaha, nabadgelyada,
siyaasadda iyo xukunka dowladeed, caafimaadka iyo tacliinta aan kaga hadlayno.
Anigu waxaan qoray chapter buugga ku yaalla oo ku saabsan su’aashan. Nimankii is
urursaday ee Maxkamadaha Islaamiga, horta ra’yiga ay la yimaaddeen markaad
guntiisa eegto mid wanaagsan buu ahaa. Wuxuu ahaa dadka Soomaaliyeed diintoodii
inay tiigsadaan oo caqiidadoodii la soo noqdaan iyagoo markaa isku duuban oo
Ilaah ka baqii isku duubay iyo diin walaaleysay inay markaa u soo jeestaan sidii
ay waddankooda wax uga qaban lahaayeen. Taa wey ku hagaagsan yihiin, mana laga
maarmayo. Laakiin siyaasadda dowladda dhismaheeda iyo xukunka dowladeed wuxuu u
baahan yahay dad xukunka yaqaanna, shaqadeedana yaqaanna. Taasi iyagu howsheeda
ma garanayaan sida iiga muuqatay. Waxyaabaha cusufka ee markiiba gaaray waxaa ka
mid ahaa iyaga oo aan kala saari karin waanadii sare ee ummadda (in diinta
Islaamka iyo Ilaah ka baqii iyo akhlaaqdeedii la soo celiyo) iyo dowlad casri ah
oo karti leh sida loo dhisayo. Markaa waxay xitaa awoodi waayeen inay helaan dad
u wada dekeddii Muqdisho markii ay fureen.
S: Sidaad ka
warhaysid, waxaa Soomaaliya soo maray sagaal sano oo xukun rayid ah oo ku socday
dimoqraadiyad la qabyaaladeeyey iyo (rampant corruption) musuqmaasuq baahay
(1960-1969). Waxaa kaloo maray 21 sano oo xukun military oo macangag ah
(1969-1991) iyo 18 sannadood oo lagu jiro xaalad jilbaha la dhigay dhulka
(hobessian exodus). Xaggee baad is leedahay waa ka soo unkamay (the cause root)
mashaakilka maanta taagan ee uu dalkii la degi kari la’ yahay iyo faragelinta
ajnabiga ee joogtada noqotay? Mushkiladda iyo musiibada Soomaalida galaafatay,
xaggee ka soo askuntay?
J: Anigu horta kulama
qabo 1960-1969-kii in sagaalkaas sannadood inta la isku jumladeeyo inay yihiin
tuugo, corruption, been iyo xoolaha dowladda oo la cuno. Waa in la kala
qaybiyaa. Anigu buug weyn oo ah kii ugu horreeyey ayaan ka qoray. Sannadihii
1960-1967-kii anigu waxaan qabaa inuu ahaa waqtigii waddanku uu sida wanaagsan u
socday. Wey jireen dad musuqmaasuq ku jira oo waa la kala qeybsanaa markii la
soo galayey xukunka oo laga hoos baxayey Talyaaniga iyo Ingiriiska. Waxaa jiray
dad musuqmaasuq u fahamsan dowladnimada, gaar ahaan jeeb ay iyagu iska yeeshaan
oo ay cunaan. SYL laf ahaanteeda ayaa dad caynkaas ah ay ku jireen markii dambe.
Laakiin waxaa jiray dad fara badan oo Aadan Cabdulle iyo Cabdirisaaq Xaaji
Xuseen ay ugu horreeyaan oo xariir ah oo shaqadoodu iyo hamadoodu ay ahayd inay
waddankooda dhisaan, in kaydka yar ee ummaddu leedahay iyo wixii sadaqo lagu
siiyana si wanaagsan loo maamulo. Musuqmaasuqu wuxuu qarixiisa yimid
1967-1969-kii. Saddexdaa sannadood ayuu dillaacay. Waa tii Madaxweynihii
waddanka lagu dilay. Ninkii police-ka haystay, Maxamed Abshir waa tii lagu
kallifay waa inaad ciidammada amar ku siisaa inay dhulkaa tagaan oo ay dowladda
ugu shubaan codka dadka. Wuu diiday, waa tii jagada laga qaaday. Laakiin in dad
badan oo siyaasadda Soomaalida ku jira ay musuqmaasuqa ku dheereeyaan, taasi
taariikhda ayaa dhigaysa. Haddaad i weydiisay waxani xaggee ka yimaaddeen? Wey
fara badan tahay. Horta dad sabool ah beynu nahay, oo weligeed iyo allahood
gaajo iyo abaar ay wejiga ka saaran tahay. Dadka sidaa qarka ugu nool, in yar
haddey arrintu ka xumaato, waa in wixii u dhow ay gacanta geliyaan illeyn
badbaado ayaa kugu waajib ah. Dadka wax badan haysta oo xooluhu ku badan yihiin,
musuqmaasuqa ka dhex jira wey qarsan karaan, laakiin ma qarsan karaan dadka
jeebkoodu maran yahay. Marka dad sabool ah oo weligoodba roobkaa yar ee Ilaaheey
keenay iyo beer yar oo wax lagu rido ku nool beynu nahay. Gumeysigu isagana
wuxuu ina baray xukun haddaad yeelato inaad adigu waxaad doonto sameyn karto,
qofkii kugu diidana aad afka jebiso ama si kale u kadeedo, qaasatan Talyaanigu
taas wuu ina baray.
S: Soomaaliya, waxaa
muuqata inay simbiriiraxatay oo ay ka dhacday haadaan dheer, welina ay suurta
geli la’ dahay in laga soo bixiyo godka ay gashay. Waxaad, haddaba, mooddaa inuu
nagu dhaboobay hadalkii ninkii gabyaaga ahaa (Saciid Gacamey) ee yiri "haddaan
nabadda tiirkaan ku xiro loogu tegi waayin, oo toobiyahaan anigu maro maydku
tira-beelin." Sidee u maleynaysaa in nabadda
Soomaaliya tiirka looga furi karo? Xaggee kula tahay in wax laga billaabo?
J: Aqalku saldhigga
ayuu ka billaabmaa. Saldhigga Soomaalida dhaqankeedu muxuu yahay? Dadka
badankood waxay ku oranayaan waa qabiil. Anigu taa ma oggoli. Qabiilku waa wasaq
meel kale ka timid. Anigu waxaan qabaa in sheyga ugu horreeya waxa weeye in
maamuuskii, sharafkii iyo edebtii diineed akhlaaqdeedii la soo celiyo.
Diinteenna keliya kuma koobna ee diimaha kale, sida Masiixiga iyo Yuhuudduna wey
dhigayaan. Diin waxaa loo soo dejiyey Ilaah ka baq iyo edeb adduunyadan lagu
yeesho. Markaa waa in edebtaasi soo noqoto oo la helo dulqaad, daacadnimo,
run-sheeg, nabadgelyo iyo deeqsinimo. Taa qof walba guriga uu joogo waa inuu ka
billaabaa. Tan labaadi waxa weeye; inaynu fahanno siyaasaddu inay tahay markey
macaan tahay mid ku dhisan distoor iyo dood xalaal ah, oo aad garato in qofka
dooddaada ka soo horjeeda inaad dhegeysato, qaasatan xaq inuu u leeyahay in
diidmada uu kuu qabo uu sheegto. Tan saddexaad waa inaynu garanno; in rasaas,
toorri, waran, bud iyo dhagax la tuuro, wax allaale waxay dhisaysaa inaysan
jirin. Haddii gurigaaga laguugu yimaado oo naftaada keen lagu yiraahdo waa inaad
is daafacdaa, laakiin ummad inaan lagu dhisi karin violence waxaa noo macneeyey
Nelson Mandela, waana inaan taa fahannaa haddaan Soomaali nahay. Midda afraad;
waa inaynu yeelanno karti aan dadka madax noo noqonaya ku kala saarno oo
criteria loo sameeyo. Anigu waan dejiyey intii kartideyda ahayd, waxaana ka
dhigay afar: 1. Qofku inuu leeyahay legitimacy oo halka uu yimid markuu doonayo
inuu madax noqdo taariikhdiisa/taariikhdeeda waa in la baaraa, oo markaa la
ogaadaa in qofkani uu xalaal ku soo koray oo uu halkaan ku yimid. 2. Qofku inuu
la yimaaddo karti, haddaanu karti lahayn cirbad dun ma gelin karo. 3. Qofku inuu
leeyahay vision iyo wax aanay dad kale arkeyn. 4. Qofku inuu leeyahay akhlaaq
(ethics) oo iyadoon cidi ku ilaalinayn aad adigu is ilaalinayso. Mid baan ku sii
shaneynayaa oo ah in qofku uu isku-keene yahay iyo mideeye, waayo kan qabiilka
wata waa kala qeybiye.
S: Khubarada cilmiga
siyaasadda, marka ay faaqidayaan ama falanqeynayaan dowladaha camiilka ama
satellite-ka u ah dowladaha kale, waxay ku lamaaniyaan dowladdii Vichy ee
Faransiiska ka dhisnayd 1940-kii illaa 1944-kii. Haddaba, dowlad-ku-sheegta ku
meel gaarka ah ee Soomaaliya, ma la siin karaa magaca 'Vichy Regime'?
J: Wallaahi anigu
waxaan oran karaa dadka mutacallimiinta ah ee taariikhda Yurub, gaar ahaan
France iyo Germany dhiga waa laga yaabaa in kelmaddaas intay soo amaaneystaan
inay taa yiraahdaan. Inta waddanka la qabsado, dowladda waddanka qabsatay tu
iyada u maamusha inay dhisato weeye macnaha aad u jeedaa, waana ay suura geli
kartaa in kelmaddaa la geliyo waxa maanta waddankii ka taagan. Laakiin anigu
waxaan qabaa inaan sidaa loo sii fogaan. Shirkii ka dhacay Nairobi, dadkii
halkaa tagay Xabashi uun keliya ma aaney keenin oo haddii ay Xabashi wada keeni
lahayd ayaa la oran lahaa Vichy. Dad badan oo waxaa jira aanay Xabashidu keenin
oo qaarkood ay mucaaradka ku jiraan. Unkudka hore, gacan weyn Xabashidu ha kula
jirto, si baas ha u baarato oo ha kala soo baxdo wixii ay doonaysay, laakiin dad
badan oo nooc walba leh ayaa shirka yimid. Laakiin soo gelidda waddanka iyo
fasaxa la siiyey inay ku kallifto dowlad ummaddu aanay doonayn inay qasab kaga
dhigto, taasi waa mid xaaraan ah oo ummadda Soomaaliyeed aanay aqbali karin.
S: Dr Samatar, waxaa
jirta in aqoonyahannada ajnabiga ah ee daraaseeya taariikhda Soomaaliya qaarkood
ay rumeysan yihiin in ummadda Soomaaliyeed ay ahayd weligeedba ummad colaad u
joog ah (divisive) oo u kala fadhida qabiil-qabiil (clan-oriented), oo aan
marnaba yeelan maamul dhexe (central authority). Ma lagu murmi karaa, haddaba,
dadkeennu uma bisla nidaam dowladeed la jaanqaadi kara oo wax la qabsan kara tan
dunida casriga ah?
J: Anigu taa ma oggoli,
dooddaas horeyna waan uga soo horjeestay. Ma dafirayo inaynu nahay ummad
aqoonteedu aad u gaaban tahay. Ma dafirayo inaynu nahay dad caafimaadkooda iyo
dhaqaalahoodu aad u liito oo daciif ah. Laakiin dad geed-adagna weynu nahayoo,
ugu yaraan kun sannadood iyo in ka badan ayaanu Soomaaliya ku noolayn iyadoo
dhuuniga halkaa la mariyo uu ciriiri ku jiro, oo haddana biyo la raadinayo ayaan
soo nooleyn. Waxaanu nahay dad jeeni-adag oo mintid ah. Xukun haddey noqoto,
haddii la eego taariikhda Soomaalida, ma aynaan ahayn dad had iyo jeer kala
daadsan, oo gobanimada lama heleen haddaanu jirin xisbigii SYL oo meel kasta ka
furnaa, xitaa Itoobiya gudaheeda wuxuu ka furnaa Diridhabe. Kismaayo illaa
Seylac ayuu ka furnaa. Dad Soomaaliyeed bey ahaayeen wixii waxaa furay iyo xisbi
qura. 1960-kii markii dadka woqooyiga ee Somaliland deggan ay xorriyadda heleen,
ma aanay oran gobanimadeennii waxaan helnay June 26, marka halkaan ayaan iska
fariisanaynaa, cid kale shaqo kuma lihin ee iyagoo dowladnimadii wada ayay Xamar
keeneen oo ay yiraahdeen waan isku biirinaynaa, taasi waxay ku tusaysaa inay
taariikhdu noocyo badan leedahay. Markaa wey na soo martay waqti wanaagsan.
Haddaad jaraa’idka adduunka eegtid wixii laga qoray lixdamadii, waxaa la oran
jiray Africa ma jirto dimoqraadiyad la mid ahi tan Soomaaliya. Maxaa naga
celinaya in berri la yiraahdo, wey soo noqdeenoo iyagaa ah Africa
dimoqraadiyadda number 1.
S: Ku xigeenka
Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka ee u qeybsanaa Africa, Ambassador
Herman Cohen oo ka qayb galay waa dhexdaas ahayd dood ku saabsanayd Soomaaliya
ee barnaamijka Straight Talk Africa ee VOA, waxa uu ku taliyey in la aqoonsado
Somaliland, isagoo ku sababeynaya inay ka taariikh duwan tahay koonfurta inteeda
kale. Waxaan wada ognahay inaad adigu mar walba diiddo
fekradda gooni-u-goosiga (theory of secession). Markaan microscope-ka ku eegno -
si weliba theoretical ah, maxaa faa’iido ah, maxaase khasaare ah oo ku jira in
Somaliland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale?
J: Anigu gobolka
woqooyiga ee British Somaliland la oran jiray, iminkana la baxay Somaliland
ayaan ka imid. Awowgey, awowgii, awowgii wuxuu ku aasan yahay meel aan magaalada
Hargeysa u jirin 40ml. Mocoydeey, mocoydeed, mocoydeedii kalena waa la mid. I am
proud inaan degmadaa u dhashay oo ka imid. Laakiin waxaan weligey aaminsanaa,
iminkana aaminsanahay in degmadaas ay ka mid tahay dhulkaa weyn ee Soomaalida,
jamhuuriyadduna ay tahay tallaabo wanaagsan oo aynu qaadnay, weyna naga
dheeliday oo dib baa loo dhisi karaa. Markaa anigu kuma raacsani dadka kale ee
qoray ee leh gobolkaa Somaliland wuu ka duwan yahay Soomaalida kale. Waxaan
qabaa inaynu nahay dad isku mid ah. Haa, magaalada Hargeysi ma ahan Laas
Caanood, Laas Caanoodna Boorame ma ahan, Booramena ma ahan Kismaayo, Kismaayana
ma ahan Buulo Burde, Muqdishana ma ahan Baraawe. Wey kala duduwan yihiin,
laakiin waxa isku xira ee gunta dheer ee xididka dheer ayaa waxay ku kala duwan
yihiin ee dusha sare ka weyn. Markaa howshu ma ahan weynu kala duwannahay ee
aanu kala soconno ee howshu waxa weeye war weynu is leennahay, dad waxaynu nahay
walaalo ah oo meel ka wada yimid, oo dantoodu isku mid tahay, wey naga kala
daadatay, sidee baa loo toosiyaa, yaa toosin kara, waddadeenu mari karnaa weeye
su’aashu.
S: Dr Samatar, illaa
markii uu guuldarreystay howlgalkii Mareykanku hoggaaminayey ee Qaramada
Midoobay oo askar Mareykan ah lagu laayey Muqdisho, waxaa dadka qaar rumeysan
yihiin in Mareykanku uu ka aargudanayo Soomaalida. Haddii Washington ay sii wado
go’aankeeda ah in Soomaaliya lagu sii hayo qufulka lagu xiray, miyaaney kuu
muuqan in arrintu sii suta-dheeraanayso?
J: Soomaaliya iyadaa
quful isku xidhay. Dad badan oo adduunyada ku nool oo Mareykanka madaxdoodu ay
ka mid tahay ayaa waxay ka jecel yihiin aanay jirin dad Soomaali ah oo karti leh
oo adduunyada fahamsan oo adduunyada la hadli kara oo dadkoodii meel u wada.
Maalin walba ayay na weydiiyaan, sidaas si la eg wadammada Yurub iyo kuwa
Africa. Haddaad adigu sidaa isu caga-goyso, cadowga aad leedahay ee ku neceb
markaad quful isku xirtid, mid labaad ayay kugu sii dhejinayaan. Adduunyada
dadka ina jecel ee wax inala doonaya, oohintii baa ka dhammaatay, kuwa ku neceb
ee doonaya inay Soomaali burburtana mar kasta sacabka ayay tumayaan oo waxay
oranayaan waa kuwaa saaqidiintii Soomaalida.
S: Maamulka
Mareykanku wuxuu ku jiraa wadammada loo tiriyo inay wax ka huriyaan mushkiladda
ka oogan Geeska Afrika, siyaasaddoodii ku wajahnayd Soomaaliyana waxaa sutiga u
qabtay dad mayal-adag oo xagjiriin ah oo ku socda cinwaanka buuggii Dr Robert
Kaplan ee ahaa "Surrender or Starve" (Is dhiib ama macluul u dhimo). Sidaad arki
kartid, waxa ay ku cadaadinayaan Soomaalida inay isu dhiibaan Itoobiya. Maxay
tahay macaashka Mareykanku uu ku qabo in dagaalka sokeeye ee Soomaaliya uu sii
socdo, iyadoo daleesha kale lagu andacoonayo inuu jiro welwel ku saabsan inaysan
argagixisadu xididada ku aasan dalka? Ma waxay doonayaan inay Itoobiya u sii
ceejiso Soomaalida?
J: Dowladda Mareykanka
ee George Bush madaxda ka yahay inaaney dan weyn Soomaali u hayn weynu ognahay
oo ay u sanqatay Itoobiya inay gasho Soomaaliya. Sannadkan iyo sannadka soo
socda, 900 oo malyuun oo dollar baa Itoobiya loogu tala-galay mucaawinada
Mareykanka. Qeyb libaax waxay galaysaa waxa la yiraahdo nabadgelyada Geeska
Africa ee dowladda Itoobiya ay mas’uulka ka tahay. Laakiin dowladda Mareykanka
iyada laf ahaanteeda waxay in badan raadisay, intuu Clinton madaxda ka ahaa iyo
intuu George Bush aabbihii madaxda ahaaba, dad Soomaali ah oo karti leh oo
ummaddoodii wada oo wax loo dhiibto oo wax la isku darsado ayaa la waayey.
Maanta mustaqbal cusub ayaa na soo galaya, waayo George Bush waqtigiisii wuu soo
dhammaanayaa, waxaana ka haray waxaan shan bilood ka badneyn. Marka ay timaado
January 2009, madax cusub iyo dowlad cusub ayaa waddankan Mareykanka ka soo
baxaysa. Weli waxay u eg tahay nin madow oo aabbihii African uu yahay,
hooyadiina Mareykan caddaan ah ay tahay oo la yiraahdo Senator Obama inuu
madaxweyne ka noqdo. Markaa Soomaalidu xisaab cusub ma la imaanaysaa, madax
cusub, hadal cusub, haybad cusub ma keeni kartaa, mise wixii saddex madaxweyne
oo Mareykan ah ay uga quusteen ayaa meesha yaalla? Haddii sidan la yahay la
ahaado, dowladda Itoobiya waxaa loo qorayaa jeeg cusub oo la leeyahay kuwaa
waraabayaasha ah ee Soomaalida ee Geeska Africa deggan ee qasaare, dil, dhac,
been iyo baa bi’iska ka shaqeynaya idinkaa mas’uul ka ah ee ilaaliya, qufulna ku
xira, wixii aad u baahan tihiinna dowladda Mareykanka wey idin siinaysaa inaad
xoog arrintaa wax kaga qabataan haddaad tihiin Itoobiya.
S: Dadka u ololeeya
xuquuqda bini’aadamku, waxay waayadan si aan leexleexad lahayn ugu daraan
Mareykanka inuu ku jiro wadammada ku tunta xuquuqul insaanka, iyagoo tusaale u
soo qaata xabsiga Guantanamo Bay oo noqday meel hannaanka caddaaladda iyo
garsoorku ay ka yihiin 'la-jiifiyaana bannaan, la joojiyaanna bannaan.' Haddaba,
sow taasi kuma xusuusinayso xikmaddii Martin Luther King ee ahayd in Mareykanku
uu yahay ‘the greatest purveyor of violence on the planet’ (qaybiyaha ugu weyn
ee qalalaasaha caalamka)?
J: Mareykanku laba weji
buu leeyahay, mid qura uun ma ahan. Waddankani waxa weeye waddan dimoqraadi ah,
adduunyada casriga ahna kan ugu da’ weyn weeye 1776-kii illaa iyo maanta, weliba
xagga distoorka. Waa waddan bini’aadamka soo dhoweeya. Labadaan magaalo ee aan
degennahay (twin cities) ee Minnesota waxaa ugu yaraan deggan illaa 30,000 oo
Soomaali ah. Waa halka ugu badan Soomaalidu dhulka ay ka deggan tahay
Mareykanka. Anigu waxaan ahay nin madow oo jaamacaddan qeyb weyn oo ka mid ah
xukuma oo shalay Africa ka yimid oo Soomaali ah. Waddan kale oo taa ay ka
dhacday anigu ma garanayo oo England waa anigii joogi jiray. Wejiga wanaagsan ee
Mareykanku leeyahay waa distoor, naxariis, fursado badan xagga dhaqaalaha,
siyaasadda, baayacmushtariga, tacliinta, teknoolejiga iyo noocaad doonaysid
inaad gasho. Wejiga kale ee Mareykanku leeyahay waa inuu yahay waddan xoog leh,
cunsuri ah, qaasatan nacayb dadka madow oo dhiiggooda ku jira, oo markaa sidey
doonayaan ma ahane aan si kale oggolaan karin. Labadaas weji ayaa is barbar
yaalla. Laakiin in badan waxaa laga soo shaqeynayey in wejigaa wanaagsan ee
Mareykanku uu noqdo kan had iyo jeer la arki karo gudaha iyo dibadaba.
S: Dr Samatar, sida
ay dad yar la socdaan, ururkan la yiraahdo al Qaeda waxaa sameyntiisa
hal-abuuray Zalmay Khalilzad oo hadda Mareykanka u jooga New York. Waxaa kaloo
jirta in Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Ronald Reagan uu ku aaminay Usama Bin
Laden qoryihii halista ahaa ee la oran jiray stingers, sida ay daabacday New
York Times. Markaad dhuuxdid howlgallada al Qaeda, sow lama oran karo waa
aalad (tool) uu Mareykanku u isticmaalo inuu cudurdaar ugu helo gumaadka uu ku
hayo caalamka Islaamka? Maxay kula tahay in Saadaam Xuseen lagu soo qabto sagaal
bilood, Bin Laadin-na lagu ceyrsanayo laba iyo toban sannadood?
J: Taa waad qaldan
tahay. Mareykanku muu abuurin al Qaeda. Mareykanku wuxuu gacan siiyey dad is
urursaday oo Islaam baanu nahay leh oo la dagaallamayey Ruushkii qabsaday ee soo
galay Afghanistan. Weliba Ruushku muu qabsan ee wuxuu gacan siinayey dowlad
shuuci ah oo meesha ka dhalatay. Sidii loola dagaallamayey in laga saaro illeyn
waxaa la isku hayey wixii la oran jiray dagaalkii qaboobaa (cold war) ayaa
Mareykanku gacan siiyey dad yiri waxaan ka qayb galaynaa jihaad lagu saaro
Ruushka. Halkaas ayay markaa ka soo bexeen dad dagaalkaa wax ku bartay lagula
dagaallamayey Ruushka, kagana adkaaday, oo dabeetana dib isku urursaday oo
siyaasad kale galay. Mareykanka haddii eed la saarayo, dadkii uu ururiyey ee uu
hubka siiyey, lacagtana uu siiyey inay Ruushka kula dagaallamaan inay isagii dib
kula soo jeestaan wey suura geli karaysaa. Laakiin Mareykanka wuxuu abuuray al
Qaeda, markaasuu ku yiri kaalayoo intaad diyaaradaha afduubtaan soo gala world
trade center, taasi caqliga ma geli karayso, wax lagu sheekeysan karana aniga
xaggeyga ma ahan. Maanta dadka al Qaeda isku sheegaya qasaare uun bey dadkii
Muslimka ahaa u keeneen. Haddii aad Saddaam Xuseen galayso, in waddanka Ciraaq
la galo oo lagu duulo anigu ma aan oggoleyn, dadkii diiddanaa baan ka mid ahaa,
qawaaniinta adduunka u taalla ee international law-na ma dhigayso arrintaas.
Laakiin waa inaan annaguna ogaannaa, Saddaam Xuseen wuxuu ahaa dhiigyacab,
waddankiisii iyo dadkiisii si baas u burburiyey. Iiraan oo aan cadaawad kala
dhexeyn ayuu iska galay, Mareykankuna uu yiri haddii aad galayso adiga ayay ku
jirtaa ee soco oo taageero buu siiyey. Malyuun qof ayaa ku dhintay dagaalkaas,
wuxuuna socday toban sannadood. Waxay ahayd gardarro ka timid Saddaam Xuseen.
Dadkiisii gaas buu ku furay. Laba wiil oo uu dhalay oo waraabe ah ayuu doonayey
inuu waddanka u dhiibo markuu dhinto. Markaa Saddaam Xuseen inay dadka ku nool
Ciraaq iska qabtaan mar hore ayay u ahayd. Haddii gacan lagu siiyey inay iska
qabtaanna anigu waxba kama qabo, laakiin in waddanka Ciraaq lagu duulo oo
ciidamo Mareykan ah la geeyo oo ummadda lagu baa bi’iyo, oo dhaqaalahoodii iyo
adduunyadoodii lagu baa bi’iyo, lagana dhigo in ka badan saddex malyuun inay
haajiraan, lana gaarsiiyo jugta caynkaas ah waxaa dambigeeda iska leh
Mareykanka, xisaabta adduunyadana wey sugeysaa.
S: Dr Samatar, waxaa
muddo dheer adiga iyo walaalkaa Professor Abdi Samatar aad ku howlanaydeen buug
ku saabsan dhaxalkii ay reebeen Aaden Cadde iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
(Somalis as Africa's First Democrats). Mufakir Giriig ah ayuu ahaa ninkii yiri,
"Behind each written history, there is an unwritten history" oo macnaheedu
noqonayo, "Taariikh kasta oo qoran gadaasheeda waxaa taalla mid aan qornayn."
Sidaa darteed, waxaa jirta inaan la iska indha tiri karin in nimankii u
horreeyey Africa ee xukunka kaga dega qaab dimoqraadi ah inay ahaayeen
Cabdullaahi Ciise iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Maxay kula tahay?
J: Taa waxba kama
jiraan. Waayo 1960-kii wixii ka horreeyey dowladi ma aanay jirin Soomaaliya.
1960-kii July 1st ayaa Jamhuuriyadda Soomaalida la aasaasay. Halkaas ayay
taariikhda dowladnimo iyo doorasho ay ka billaabatay, oo Baarlamaan ay dadka
Soomaalidu soo doortaan ay ka yimaaddeen. Aaden Cabdulle Cusmaan wuxuu ahaa
Madaxweynihii Soomaalida uun ma ahane, Afrikada gumeysigu ka tagay ee gobanimada
qaadatay, Madaxweynihii ugu horreeyey ee inta doorasho lagaga adkaado xafiiska
si nabadgelyo ah uga dhaqaaqa ayuu ahaa. Cabdirisaaqna waa looga horreeyey
Ra’iisal Wasaaraha oo Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa kaga horreeyey. Buugga
haddii aad su’aal iga weydiisay, buuggani waa buug adag, howl badan buu u baahan
yahay, research badan buu u baahan yahay, weli waan ku jirnaa, laakiin laba sano
oo dambe wey qaadanaysaa sida loo dhammeynayo.
S: Waxaad dhowr mar
daraasado cilmi-baariseed ka soo sameysay wadamada Africa ee soo koraya ee
sameeyey horumar dhaqaale oo xowli ku socda. Waxaa wadammadaas ka mid ah wadammo
horukaca dhaqaalahoodu ku xiran yahay dalxiiska iyo xoolaha. Sidaa awgeed, waa
maxay casharka ay ka baran karto Soomaaliya marka ay u qalab-qaadato horumar
dhanka dhaqaalaha ah?
J: Horta dhaqaalaha
waxaa miftaax u ah siyaasadda. Siyaasaddu haddii ay kaa murugto, oo ay markaa
dagaal, xagasho, burbur, guryihii dowladda iyo wixii oo dhan la baa bi’inayo,
dhaqaalihii ma dhaqaaqayo, lacagtiina wey baxsanaysaa. Adduunyada oo dhan bal
eeg, meeshii ay nabadgelyo jirto oo dowladdu ay shaqeynayso ayay lacagtuna
tagtaa oo ay joogtaa in badan. Lacagta tagta dhulka dagaalladu ay ka dhacayaan
ee burburka ahi waa lacag doonaysa inay degdeg wax u qabsato oo ay ka baxsato
meesha oo xoogaa ay ka gurato, amba lacag si madow ku soo galaysa oo lacag
xaaraan ah, ama drugs ha noqoto ama si kale ha ku timaado. Siyaasadda deggan
ayaa miftaax u ah in dhaqaale la abuuro. Waayo dhaqaaluhu muddo dheer buu qaataa.
Haddii aad warshad dhisayso muddo dheer bey qaadanaysaa inaad muhandasadii aad
sameyso, dadkii aad keento, suuqii sameysato. Wadammada deggan ee xasiloon
Africa gudaheeda haddaad eegto waa waddanka Botswana. Waddankaas xasiloonida iyo
dimoqraadiyadda ka taagan qof tagay uun baa garan kara. Markaa derisku waxa
weeye war Soomaaliyeey waa inaad siyaasaddii dejisaa.
S: Dr Samatar,
gabagabadii maxaad jeclaan lahayd inaad la qaybsatid dadka arki doona
wareysigaaga?
J: Anigu dadka
Soomaalida waxaan leeyahay waad salaaman tihiin meel aad joogtaanba. Waxaan
leeyahay saddex amuurood aanu isla ogaanno qof walbow meel alla iyo meeshaad
joogtid. 1. Rajo. 2. Geesinimo iyo 3. Adkeysi. Saddexdaas haddaan isla ogaanno
wax uun baa meel inoo mari, kuna adkeysta inaad raadsataan madax idiin qalanta
oo waqtiga kadartaa adag u qalanta oo waddanka godka ka saarta, aadna is
baartaan sidii aad ku heli lahaydeen. Doodda iyo hadalka wadistiisu ha inoo
noqoto ballan xoog leh. Dagaal iyo dil waa in meel la
iska dhigaa oo laga ilbaxaa.
Nagala
soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
© Ceelbuur Online
