Faalo, July,
30, 2008 (COL)
Marka qof aad saaxiibo hore ahaan jirteen aad isku aragtaan
internetka ama uu akhbaartaada ka helo meela kale isla markaana ogaado in aad
joogto dalka Sudan durbaba waxaa niyadiisa ku soo dhacaya in aad meesha u
joogtid tahriib sida aad ka dheehan karto su,aalaha ugu horeeya ee lagu
weydiinaayo marka aad u sheekto in aad joogto sudan arintaas oo caadi ka noqotay
dalka Sudan .
Laakin runtii waxaa dad fara badan is weydiinayaan sidee qof waxbarasho wada u
saameyn karaa qof kale oo socoto ah? ayadoo la wada ogsoonyahay farqiga u
dhexeeya dhanka hadafka ama yoolka ay wada tiigsanayaan labadoodaba .
Waxaa maalmahan aad ugu soo fara badanayay dalkan sudan dhalinta ka tagta
waxbarashada horena u sii raacda dhalinta tahriibka ah sidaana la iskugu lug
darsado in kastoo marar fara badan wax laga qorey xaalufka ku dhacay
dhalinyarada iyo waliba dhibaatada ku soo wajahan dhalinta soomaaliyeed ayaa
waxay ila noqotay bal in aan arintan eegno xalna u raadino runtiina waxaa la
dhihi karo waaba ka sii darantahay tii hore (ka daroo dibi dhal)maadaama dhallin
fara badan oo dhameysan la,heyd waxbarsho ay iska tagayaan kana door bidayaan in
ay dhibaato u maraan waxay u arkaan nolol fiican.
Maxaa keenay in ay dhalinyartu ka tagaan waxbarashada?
Waxan ku soo koobayaa dhowr qodob:-
1- Ardayga oo ay ku adkaato la qabsiga jaamacada iyo waliba jawiga dalka ka jira.
2- Ardayga oo ku fashilma ama ku guuldareysta sii wadida waxbarshada taasoo ku
dhalisa in uu go,aan degdeg ah qaato.
3- Ardayda qaar oo anan rabitaan u heynin waxbarshada ayagoo fulinaya cadaadis
ka yimid dhanka waalidka taas mararka qaar keenta in uu ardaygu sameysto
(justification) uu ku raadinaayo lacag xoog leh arintaasna runtii waalidku kuma
danbi la,a.
4- Ardayda qaarkood oo aan helin daryeel fiican hadii ay ahaan laheyd dhanka
biilka ardayga la siiyo ama waxyaabaha uu u baahanyahay sida buugaagta
references-ka ah runtii arintaas waalidiinta badankood kuma baraaruksana oo in
wax laka qoro ayayba u baahantahay.
Hadaba akhristow dhibaatooyinkaas ma yihiin kuwa looga tagi karo waxbarasho?
Waxaa marag ma doonta ah in qof waliba yoolka uu leeyahay ka mari dhlin karo
haddii uu yahay qof jaadi ah kana go,neyd in uu wax ka keeno laakiin haddii
qofka shaki soo galo ama uu ka tarmaareeyo yoolkiisa waxkastaba waa laga filayaa
shaqsigaas.
Dhanka kale faa,iido intee la eg ayay ku qabaan dhalinta socotada ah kuwa
waxbarshadooda ka tagaya?
Waxaa dhacda mararka qaar in dhalinyarada socotada ah ay shukaansi ama xoodaansi
ugu jiraan dhalinyaradii ay jaarka ahaayeen markii lawada joogay dalkii ama
qaraabada dhow ahaayeen iyagoo isku dayaya in ay ku qanciyaan in ay horey u sii
raacaan ayagoo mararka qaar u balan qaada in ay ka dhiibayaan qarashka lagu
baxaayo ilaa iyo liibiya taasoo runtii saameyn balaanran ku yeelata ardayga
jooga meeshan hami dheerna galisa ugu danbeyntiina laga yaabo in uu ku qanco
sidaana ku sii raaco asigoo meel iska dhigay dhibkii u ka soo maray
waxbarashadiisa ileen meesha waxaa soo gashay lacage lakin wali su,aashii waa ay
taagantahay muxuu ka faa,iidayaa oo uu u salfanayaa ardaygan mustaqbalkiisu
wanaagsanyahay marka aad weydiiso socotada arintaas waxa ay kuu sheegayaan in ay
ka rabaan in uu ugu tarjumo oo uu u noqdo adeege kuna maraan wadda ilaa ay ka
tagayaan halkii yoolkooda ahaa marka waxaan dhihi karnaa waxa ay ka
faa,iideysanayaan aqoontooda kaliya ee dan kale kama laha runtiina waa ayaan
daro ku habsatay dhalinyarada soomaaliyeed oo hadda fikirkooda iskugu soo
aruuray in ay tagaan dalalka reer yurub halkaana nolal fiican ka raadiya.
Gunaanadkii waxaan rabaa in aan talooyin u soo jeediyo dhalinyarada halkan
waxkabarata iyo waalidiinta dhalay.
Aan ku hor maree dhanka waalidiinta :-
1-waxaa laga rabaa waalidka wiilkiisu ama gabadhiisu dalkan wax kabaraneyso in
uu si taxader leh ula socdo xaalka uu ku suganyahay/tahay.
2- in uu baahidiisa waxbarsho daboolo ilaa xad mana ahan taa micnaheedo in aad
loo tasarufo si xad dhaaf ah.
3- in aad (motivation) dhiiro galin siiso,badanana aad ka farxiso, sidoo kale
waxaa loo baahanyahay in aad ula dhaqanto wiilkaada sida saaxiibkaa oo kale.
Dhanka ardayda
1- waxaa loo baahanyahay in aad ku samirtaan dhibkan yare e aad ka mareysaan
waxbarashada oo aad xasuusataan oraahdan (nimaan dhidin ma dharko).
2- Waa in aad xisaabta ku darsataa in aad tahay qofka kaliya ah ee dalku sugayo
waajibna kaa saaranyahay waxqabadkiisa.
3- Waa in aadan u hanqaltaagin waxyaabahan muuqda ee aad ka fakirtaa mustaqbalka
fog (dhumuuxaad) in aad leedahayna waa muhiin.
Isku soo wada duub waxaa loo baahanyahay in si wada jir ah looga hortago
xaalufka ku yimid dhalinyaradeena loona sameeyaa (orientations)baraarujin aad u
fara badan hadii kale waxaa meesha ka baxaaya cunsur ama feild muhiim u ah
jiritaanka umada soomaaliyeed waxaana tusaale buuxda inoo ah halka ay reer
galbeedku ka cabanayaan dhalinyaro la,aan ka dib markii ay koobeen dhalmadii
Waxaa loo baahanyahay in la saxo caqliga dhalinta soomaaliyeed kaasoo ku
beysgareysan ama ku jimeysan luqmad ceysha ah ama inta hal mar la liqo.
W/Q:- Saacid Cumar Axmed Dhuxulow
Khartoum –Sudan
Qaroof22@hotmail.com
Saacid_c@yahoo.com
Nagala
soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
© Ceelbuur Online
