Gabay: Garbo-Badan

Muqdisho, March, 20, 2009 (COL) Gabayga soo socda  waxaa lagu maqagcaabaa Garbo-Badan, waxaa uu ka kooban yahay 60 beyd, waxaana sannadka 2009 curiyey Ibrahim Hassan Gagale (Reer Somaliland). Gabaygu waa dhaliil ku socota Beesha Hawiyaha kuna saabsan talo-seegga ku dhacay Beeshaas ka dib burburkii Taliskii Siyaad Barre ee Mogadiisho 1991 iyo sida arrintaasu u horseeday dagaallo sokeeye oo jiitama lagana dhaxlay geeri badan iyo burbur weyn isla markaan abuurtay xaalad ay ku soo duusho dawladda Itoobiya Somalia (2007-2008) una geysato dhibaatooyin laxaad leh oo leh naf iyo maalba iyada oo ka aargoosanaysa dagaalkii 1977.

 

Gabaygu wuxuu ku guubaabinayaa Beesha Hawiye, maadaama beeshu tahay ta ugu weyn Koonfurta Somalia waxna ka qabankarta dhibaatada Somalia,  inay soo celiso nabadgelyada, dawladnimada, qaranimada iyo sharafta dalka Somalia sidii ay samaysay  lixdii bilood (June ilaa July ee 2006) ee ka horreeyay duulaanka Itoobiya. .

                                
Gabayga: Garbo-Badan
             

             Dunidan la wada guud degee, Maars lagu guuray

       Goorkastaba quruumaha tartama, guusha wada gaadhay

          Kuma gaadhin fawdiyo dagaal, garabba meel goostay

             Qiimo dawladnimo dhab u gartoo, oo guddoonsada`e

 

            Hawiyaba galladi soo martee, waase talo guuray
           Marku guushi Xamar taabaye, Eebbe garabsiiyay
           Dawladnimo halku garan lahaa, muran gadaashiiye
                 Jiitama colaadaa garbaha, goysay nabadiiye                    

 

           Gidaarada dalooliyo wadada, googo`dee madhatay

          Taalada dal kale loo gudshee, ganacsi loo dhoofshay
            Tuubada guryaha laga fagtee, geesta laga diirtay
           Goobaha jid-gooyada la dhigay, baadda laga guulay
                          

            Moryaanta guryihii degtee, aad gelgelin moodo
                Ee ganafka ruuxii lahaa, lagu gujaynaayo

            Ibna aadamkaa guri madaw, gooni la afduubay
               Xoolaha sidoodi la gaday, gini intuu siistay

 

              Gaadiidka jidka loo galee, gooshka laga caagay

             Dhiigga goobkastaba geylane, maato lagu gooyay

        Gowraca hal-doorkii ku dhacay, ee af-xidhan gaaday

             Shacabkaa gu`yaal ooyayee, ee dulmigu gaadhay

                                  

        Dalka Geeska cadawguu lahaa, gacanta loo haadshay

           Xabashida gumaysiga madow, gaasas ku hujuumay
          Gumaadkii dadweynaha ku dhacay, iyo qaxii goohay
               Aargoosi lagu goobayee, loo gilgilay Geeska

         Gobanimo facaa dawladnimo, maanka kaba guurshay
            Guuldarrada dalkaa ku habsatee, geeridii badatay
          Gobolka gobolka loo gooyaye, reerba dhinac goostay
              Qaranimadu gacal weydayee, ee god lagu tuuray                 

 

         Gabbalkaa u dumay dawladnimo, hoogga laga goostay
              Go`e nabadda kama talinayaan, gooye samihiiye
             Geesbuu ka maray dawladnimo, oo gabbood-fala`e
                Halisbu gudayaan gudcura, gabe danti guude     

             Hubka weli ka guuxaaaya Xamar, ama gariiraaya
          Dekaddaa gu`yaal badan xanniban, ama garoonkeeda
               Maataday u diidaan gargaar, gaajo lediweyda
          Gurmadkay horjoogaan dunidu, garan la` xaalkooda

            Wiirsiga kamay gubanayaan, Reer Galbeed xulaye
             Xarragada dagaal waw gafeen, waana gudhiyeene
                 Waa kaa ujeedadi gabee, gudaya hayhaade
               Goormu garaad yeelanoo, garan wuxuu dooni

             Dawladnimadu hanti weeye guud, gole wadaageede
             Waa loo gudboonyahay dhibtiyo, gacante dheefeede
                Gacal looma siiyo qabiil, way ku gubataaye

          Danta guud mid gaar looma dilo, guulna lama sheegto
                
               Geyigaba miyaan dhiidhijirin, geesi miyuu beelay
           Miyay guurtay garashada dadki, guurti miyuu suulay
            Damiirki maxaa idanka gaday, ee dadnimo guurshay
               Ficil li`idda doofaarka gubay, waa gadaad tahaye
       
                Mooryaanta geesaha kamara, gooya dabarkeeda
            Dawlad-diidka god madow ku rida, yaanu gacal yeelan
             Gadhwadaha Axmaarada ka diga, meelkastaba gooba
                Daba-dhilifka goonyaha kamara, ee gunnada qaata      

          

                   Sooyaalka geyigoo muslima, Diinta garab siiya

             Seef-laboodka Wahaabiga gefsane, gaalka kugu sheega

                   Dalabaanka garabkaa noqdee, ee firqada gaara

              Gacantooda xukun yaanu gelin, Yaanay gubin Geeska

 

            Guddoon dawladnimo waan jeclaa, gadaal u aydaane

                 Gurmadoo u kaca dawladnimo, oo gunnimo diida

                 Geyigaba mideeyoo dadkaba, nabadda gaadhsiiya
             Dawladnimo inaad dhab u geydaan, dunida gaadhsiiya

 

                                           Dhammaan

                            

                              Curiye: Ibrahim Hassan Gagale

                              Email:Ibrahim_hg@yahoo.com

 

         Fiiro Gaara: Gabaygu waa afarey ee fadlan u habee afar afar.
 
 

 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online