Taarikhda dunida, mid aan maqalnay iyo mid aan usoo joognay, mid habowday iyo mid la keydshay, mid waliba waxa ay mudan tahay in laga hadlo.
Rag wixii duni soo maray sida Xalane, Siyaad Dheryo-dhoob ama Elman, mid waliba wuxuu ka muteystay baal u gaar ah buuga taariikhda sooyaalka ah ee la daalacan doono inta duni guudkeed la joogo.
Taariikh daboolani, dahab weeye kaa lumay
Geesiga wax difaaciyo, caaqilkii daajin jiray
Dadka kuwii wax soo taray iyo daruustay soo dhigeen
Haddaan daaha laga rogin, diiwaankana loo galin
Da'da maanta joogtiyo, tan kalee dambeysaa
Sida dowga loo maro, loo dabbaro ummuuraha
Daliilihii horoo idil, sow daah kama saarna
Taariikhdu waxa ay leedahay baal dahab ah iyo mid mugdi ah labadaba, qof walibana midkii uu muteysto ayaa taariikhdiisa lagu qoraa. Qaar cadowga gaashaanka u dhiga iyo qaar garka heysta, qaar nabadda gudoonsha iyo qaar maatada gowraca, qof waliba wuxuu geysto ayaa taariikhda loo galin.
Boggaan waxaan kaga hadli doonnaa taariikhda shaqsiyaad Soomaaliyeed oo muteystay in la xuso isla markaana loo keydiyo taariikhdooda jiilalka soo socda. Waxaana ka mid ah Xalane, Elman, Siyaad Dheryo-dhoob iyo kuwo kale.
Iyadoo aan ilaalinayo dareenka guud ee bulshada Soomaaliyeed iyo arrimaha xasaasiga ah ee maanta jira, haddana waxaa lagama maarmaan ah in aan qorno dhammaan taariikhaha shaqsiyaadka Soomaaliyeed wixii awoodeena ah.
Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiirigalineyna in ay ka qeybqaataan arrimaha kor ku xusan, isla markaana noo soo gudbiyaan wixii taariikh ah ee ku saabsan Soomaalida.
Shabakadda Ceelbuuronline(COL) waxa ay xaq u leedahay in ay hubiso dhammaan qoraalada loo soo gudbiyo, isla markaana ay saxdo wixii qaladaad ah iyadoo aan kala tashan soo diraha. Shabakaddu waxaa kale oo ay xaq u leedahay in ay daabacdo ama joojiso qoraalada qaarkood kadib marka ay hubiso.
Webmaster |