Muqdisho, Aug,
06, 2008 (COL)
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada London
waxaa ka socday wadahadalo u socday Faadumo Xabbad iyo bahda reer Dooxo ee
london, waxaana la isku afgartay in olole ballaaran la qaado oo lagu taageerayo
dhismaha isbitaalka Siyaad Dheryo Dhoob, gaar ahaan Qaybta Dumarka iyo Caruurta.
Maanta ayaa lagu ballansan yahay in la bilaabo
ololahaas dhaqaalaha loogu aruurinayo isbitaalka, waxaana la rajaynayaa in si
hagar la'aan ah loo taageero qorshaha F.Xabbad.
Faadumo
Maxamuud
Xabbad ayaa horay dhaqaale aruurin uga
soosamaysay Sweden, haddana London kadib waxaa la filayaa inay ugudubto
waddamada kale ee Yurub ee reer Dooxo ku nool yihiin.
Sidoo kale waqooyiga America ayaa waxaa ka
socda dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo qorshaha F.Xabbad.
Wixii nagu soo kordha halkan kala socda.
Xafiiska Muqdisho
webmaster@ceelbuuronline.com
Nagala
soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
© Ceelbuur Online
