Shir Nairobi ay ku yeesheen bahweynta Dooxa iyo halka uu marayo dhismaha isbitaalka.

Muqdisho, Aug, 18, 2008 (COL) Magaalada Nayrobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa shalay ka dhacay kulan ballaaran oo ay isgu yimaadeen jaaliyadda Dooxa ee ku dhaqan Kenya.

Kulankan ayaa waxaa lagu falanqeeyay huramka haatan ka socda degaanka Dooxa  iyo sidii ay qeybtooda ay uga qaadan lahaayeen, iyadoo shirkaas goobjooge uu ka ahaa Maxmed Iidow aoo ah wakiilka dhismaha isbitalka ee HSD iyo Muuse Geedi.


Max'ed Iidow Wakiilka Dhismaha Isbitaalka HSD.

Guddiga Dooxa ee Nairob ayaa waxa ay isku waafaqeen in aysan u kala harin dhismaha isbitaalka SDD ee Ceelgaras iyo horumarinta deegaanka Dooxa, iyagoo ku ballanqay in ay hormuud u noqdaan sidii ay wax ula qabsan lahaayeen dhiggooda Yurub, Mareykanka iyo dunida kaleba.

Dhanka kale waxaa si howli ah uga socdo degmada Ceelgaras dhismaha Isbitaalka Siyaad Dheryo Dhoob, iyadoo haatan uu gabo gabo marayo dhismaha Block A., iyadoo saqaf saaridii oo kali ah ay u harsan tahay.

Axwaaxdii oo la saarayo isbitalka qeybta Block A.

Sidoo kale waxaa iyana gaba gabo ku dhow dhismaha qeybaha kale ee isbitalka marka laga reebo dhismaha haatan ku socda qeybta hooyada Dhallanaaka oo bilow ah, islamarkaana Faadumo Maxamuud Xabad ay haatan usuubinayso Olole dhaqaale uruurin.

Ololahaas ayaa waxaa soo dhoweeyay islamarkaana bilaabay dhaqaale uruurinta dhamaan Jaaliyada Dooxa ee ku dhaqan wadamadii ay Madaxa Jaaliyadda Dooxo ee Canada Faadumo Xabad ku tagtay Safarkeeda, sida wadamada Sweden, UK, iyadoo haatanna ay qorsheynayso in ay safar ceenkaan oo kale ah ku tago wadamo kale oo ka tirsan Europe iyo Maraykan sida uu inoo xaqiijiyay guddoomiyaha HSD Mudane Bashiir C/llaahi.




 

Xafiiska Muqdisho
webmaster@ceelbuuronline.com


 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online