Shir ay isugu yimaadeen dhammaan qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda beesha Duduble ee Minneapolis (Daawo Sawiro).

Minneapolis, Aug, 25, 2008 (COL) Shir si heer sare ah  loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen  ayaa waxaa uu shalay ka dhacay magaalada Minneapolis ee Dalka Marakanka.

Shirkaan oo ay ka hadleen culuma'uddiin iyo aqoonyahanno ayaa waxaa lagu falanqeeyay arimaha horumarinta ee bahweynta Dooxa xilligaan xaadirka ah u baahan yihiin in lagu gacan qabto oo ay ka mid yihiin arrimaha Maamulka, caafimaadka iyo warbarashada.



Shirka waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Maxamed Iidow oo dhawaan ka soo laabtay degaanka Dooxa, waxaana uu si cad uga warbixiyay baahida guud ee deegaanka iyo waxa ugu wanaagsan ee lagu daweyn karo.

Sidoo kale waxaa la is weydaarsaday dood-siyaasadeed furan oo si fiican ugu gogol xaartay famahka dhibaatooyinka heysta dhallinyarada beesha iyo colaadaha joogtada ah ee ay gaashaandhiga u yihiin.


In kastoo shirkani uusan ahayn mid siyaasadeed, haddana waxaa carrabka lagu dhuftay in aan lagu mashquulin dhismaha goobo caafimaad iyo waxbarasho kaliya; balse, in xisaabta lagu dararsado qorshaha sidii dhallinyarada Duduble ee dagaallada ku dhimanaya maanaya laga shaqeeyo sidii loo badbaadin lahaa.

Gabagabadii waxay ka qeybgaleyaashii kulanka heerka sare ahaa ugu yabooheen lacago dhismaha isbitaalka Siyaad Dheryo-dhoob ee haatan sida habsamida leh uga soconaya degmada Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud.









Xafiiska Minneapolis
webmaster@ceelbuuronline.com
 


 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online