Muqdisho, July, 21, 2008 (COL) Madaxa Haya'adda Samafalka Dooxo ee dalka Canada Mrs. Faadumo Xabad oo ol-ole dhaqaale u uruurin ah ugu jirta Qaybta Dumarka iyo Caruurta ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Siyaad Dheyo dhoob ee G/Galgaduud ayaa 17 July-2008 shir la yaalatay jaaliyadda Dooxo Gothenborg Sweden.
Mrs. Faadumo ayaa warbixin dheer ka jeeday shirka, kuna guubaabiday xubnaha Jaaliyadda Dooxo Gothenborg Sweden in ay bixiyaan dhaqaalaha loobaahanyahay ee lagu dhiso qeybta Hooyada iyo dhalaanka ee isbitalka Siyaad Dheryo Dhoob.
Sawiradda Faadumo xabad dhinac midigta, Shamso Daahir dhexeda, Xabiibo Jujule
bidixda
Dhamman ka qeybgalayaashii shirka ayaa waxa ay si weyn u soo dhoweyeen Socdaalka Mrs. Faadumo iyo oleleheeda dhanka dhaqaale u uruurinta ah, waxana la go'aansaday in la bixiyo lacagta dhismaha isbitaalka.
Sidoo kale, Mrs. Faadumo safarkeeda swden kadib, waxay dhaqaale aruurin ka samayn doontaa magaalada London ee cariga Ingiriiska, halkaasoo Dumarka reer dooxo ku sugayaan, diyaarna u yihiin inay kaalin fiican ka qaataan taageeradaas lagu taageerayo gabdhaha la dhashay ee ku dhibaataysan deegaanka Dooxo.
Sawiradda Maxamed Yuusuf midigta Cabdullahi Xayle Kaxey dhexedda.