Gabdhaha reer Dooxo ee Sweden oo taageeray
Qaybta Dumarka iyo Caruurta ee isbitaalka Dooxo

Muqdisho, July, 26, 2008 (COL) Waxaa si guul ah ku dhamaaday qorshihii ay F. xabad ka waday dalka sweden oo ay dhaqaalo ugu aruurinaysay qaybta dumarka iyo caruurta ee isibitalka siyaad dheryo dhoob, waxaana dumarka reer dooxo ee ku nool sweden gaar ahaan magaalada gotenborg iyo stokholm muujiyeen dareen walaaltinimo iyo danqasho ay ka danqanayaan xaaladda caafimaad ee gabdhaha reer dooxo ee ku nool deegaanka dooxo ku suggan yihiin, waxayna taageero dhaqaale oo wax ku ool ah ku taageereen Faadumo Xabad oo u istaagtay dhismaha qaybta dumarka iyo caruurta ee isbitalka s.dh.dhoob. ee deegaanka dooxo.

F, Xabad ayaa maalintii jimcihii(shalay) ka ambabaxday dalka Sweden una duushay magaalada London ee dalka ingiriiska, halkaas oo ay ku suguyaan gabdhaha reer Dooxo ee ku nool London, iyagoo u diyaar ah inay qayb libaax ah ka qaataan dhaqaalaha ay F.xabad u aruurinayso qaybta dumarka iyo caruurta ee isbitaalka deegaanka dooxo.

Guddoomiyaha haya'adda samafalka Dooxo muadane Bashir C/laahi Abshir ayaa u mahad celiyay gabdhaha reer Dooxo ee ku nool sweden sida sharafta leh ee ay u taageereen qorshaha F.xabad, wuxuuna ugu baaqay reer London in sidoo kale u taageeraan qorshaha dhaqaale aruurin oo ay F.xabad ku taagayrayso dhismaha qaybta dumarka iyo caruurta ee isbitaalka deegaanka dooxo.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu u mahadceliyay F.xabad dadaalka faraha badan ee ay gelisay sidii ay guud ahaan u taageeri lahayd mashaariicda horumarineed ee hsdooxo ka waddo deegaanka dooxo, gaar ahaan isbitaalka deegaanka dooxo, wuxuuna ugu baaqay ragga iyo dumarka u dhashay deegaanka dooxo inay ku dayasho muujiyaan oo u istaagaan taageeridda mashaariicdaas wax loogu qabanayo walaalaha reer Dooxo.

Wixii ku soo kordha safarka Faadumo Xabad kala soco ceelbuuronline.com.

Xafiiska Muqdisho
webmaster@ceelbuuronline.com


 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online