|
 |
|
 |
|
Walaalaha
Reer Dooxo ee magaalada OREBRO, Sweden, oo deeq dhan US$2000 ugu
deeqay Qalabka Iskuulka ceelbuur oo la furayo. |
Muqdisho, Aug , 08, 2009
(COL)
Walaalaha somaliyeed ee u dhashay deegaanka dooxo ee G/galgaduud ee ku nool
magaalada Orebro (nawaaxiga stockholm) ee dalka Sweden, ayaa deeq lacageed oo
dhan US$2000(labo kun doolar) gaarsiiyay maamulka Haya'adda Samafalka Dooxo ee
Somaliya asbuucii la soo dhaafay.
Deeqdaas ayaa walaaluhu ugu talagaleen
qalabaynta Dugsiga H/Dhexe ee degmada Ceelbuur oo dhawaan la soo afjaray
dayactirkiisii, lana qorshaynayo in sannad dugsiyeedka sannadkan 2009/2010 la
furo, noqdana Dugsigii lixaad ee haya'adda Samafalka Dooxo ka furto Deegaanka
Dooxo ee G/Galgaduud ee Somaliya.
Qalabkaas ayaa isugu jira Kuraas, Miisado,
Sabuurado, iyo Qalab Xaafiisadeed oo hadda magaalada Muqdisho ay ka socoto
samayntoodii, kadibna loo qaadi doono Ceelbuur si kama dambays bisha soo socota
sept-09 loo furo iskuulkaas.
Muwajaha waxbarashada Hsdooxo Prof. Sheekh
Ibraahim C/waaxid ayaa u mahadceliyay walaalahaas taageerada ku dayashada mudan
bixiyay, xusayna in hadda uu qiyaasayo inay ku bilaabi doonaan ilaa boqol iyo
konton (150) caruur ah, tartiibna usii kordhin doonaan tirada ardayda, isagoo
carabka ku dhuftay in macallimiintii iskuulka Ceelbuur la diyaariyay, tababar
gaar ahna muqdisho ku qaateen, dhawaana asaga, macallimiinta iyo qalabka
iskuukaba ay u ambabixi doonaan magaalada Ceelbuur, si ay usii diyaariyaan
qabanqaabadii furitaanka iskuulka iyo diiwaan gelinta ardayda.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Haya'adda Samafalka
Dooxo Mudane Bashir C/laahi Abshir ayaa asaguna mahadnaq ballaaran u jeediyay
walaalaha reer Dooxo ee ku nool Sweden, gaar ahaan magaalada Orebro, kuna
tilmaamay taageerada ay bixiyeen mid baahi wayn loo qabay, howl muhiim ahna lagu
qabtay, tusaale ku dayasha mudana u noqon doonta dhammaanteen, gaar ahaan kuwa u
arka in US$2000 iyo wax la mid ah aan wax lagu qaban karin.
Guddoomiyuhu, mar uu qadka teleefanka kula
hadlay qaar kamid ah mas'uuliyiinta maamulka dooxo ee magaalada Orebro, wuxuu
kula dardaarmay inay sii kordhiyaan dadaalkooda ku wajahan taagerida
mashaariicda Hsdooxo ka waddo Deegaanka Dooxo, gaarsiiyaana walaalaha kale ee ku
nool Sweden ee aan weli ka qayb qaadan.
Guud ahaan walaalaha Dooxo ee ku nool dalka
Sweden ayaa ka mid ah walaalihii aasaasay Hsdooxo, ilaa iyo haddana si buuxda u
garab taagan, kuwaas oo intooda badan ku kala nool magaalooyinka Stockholm iyo
Gotenborg.
Guddoomiyaha iyo Muwajaha waxbarashada ayaa
hambalyo gaar ah u diraya maamulka cusub ee Hsdooxo ee magaalada Orebro oo
xaqiiqdii aasaasmay sannadkii hore ee 2008, ayagoo tiradooduna tahay ilaa iyo 13
ruux oo isugu jira rag iyo dumar, maantana tallaabadan wax ku oolka ah qaaday,
maashaa' allaah.
haddaba halkan hoose waxaan ku xusi doonaa
magacyada walaalaha reer Dooxo ee ku nool magaalada soo caan baxday ee Orebro,
qaadayna tallaabadan naga wada farxisay oo hambalyada iyo mahadnaqu ku socdo:
1-Ibraahim i Warsame (gudomiye)
2-Dhuhul Ali Sarey
3-Mahad C/rahmaan
4-Cawil Ali Elmi
5-C/rashiid Ahmed
6-Mahad Abdi
7-Farhiyo Daahir (khasnaji)
8-Luul Ali
9-Hodan Ahmed
10-Farxiyo Ali
11-Xaawo Barkhadle
12-Nasra Ali Hayleh
13-Saciido Daahir
Xafiiska Muqdisho
CEELBUURONLINE.COM
|
|