Xaflad lagu taageerayay madaxweyne Shariif oo lagu qabtay Minneapolis, Maraykanka.

Muqdisho, Feb, 08, 2009 (COL) Xaflad si heer sare ah oo loo soo agaasimay oo lagu taageerayay Madaxwaynaha ummadda soomaaliyeed Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka Carwooyinka lagu qabto(convention center) ee magaalada Minneapolis, gobalka Minisoto, Dalka Maraykanka.
 

Xafladdaas oo ay soo qaban qaabiyeen, mas'uul caan ah ee ka tirsan ururada bulshada soomaliyeed ee gobalka minneapolis, ayaa waxaa ka soo qayb galay dadwayne buux dhaafiyay hoolkii, madax fara badan, culumaa'udiin, madax ka socoto state departmentiga, aqalka senatka minisota, golaha deegaanka minneapolis, duqa magaalada minneapolis oo asagu cayaaro badan la cayaaray fannaaniinta somalida oo kooxkoox isku bedelayay iyo Guddoomiyaha Haya'adda samafalka Dooxo Mudane bashir C/laahi Abshir.

 
Xafladaas taageerada ahayda ayaa waxaa qudbado xasaasi ah waxaa ka soo jeediyay mas'uuliyiin ka socota state departmentiga maraykanka oo ka hadlay sida dawladda Obama u taageersan tahay dawladda sheekh shariif, Duqa magaalda minneapolis oo sheegay sida wayn ee reer minneapolis ugu faraxsan yihiin isbedelka cusub iyo madaxwayne shariif oo ah rajada cusub ee somaliya, sida obama u yahay rajada cusub ee maraykanka, waxaa sidoo kale afhayeen soo dirsaday congressmanka muslimka ah Mr Keith Elson oo ah ninka kaliya ee muslimka ah ee ku jira barlamaanka maraykanka, una cadeeyay ummadda somaliyeed in markan maraykanku isbedelay taageero buuxdana u hayaan dawladda sheekh shariif.

 
Dhanka somalida ayaa waxaa hadallo qiimo badan laeh ka soo jeediyay mas'uuliyiin matalaysay ururada somalida, waxaana si gaar ah khudbad xasaasi ah ka soo jeediyay Dr Xassan jaamaci oo ah nin qiimo badan taageero buuxdana usoo jeediyay Madaxwayne shariif, uguna duceeyay guul iyo dawlad khayr badan usoo jiidda ummadda somaliyeed.


 
Waxaa intaas dheer madadaalo isugu jira majaajillo iyo heeso wadani ah ayaa waxaa is waydaarsanayay fanaaniin somaliyeed oo caan ah, kana mid yihiin cadar, rahmo raaxo, c/qaadir nuuraani, bashir yare iwm.
 
Ugu dambayntii waxaa khadka teleefanka kula hadlay ummadda somaliyeed Madaxwayne Sheekh Shariif oo kasoo hadlayay madaxtooyada somaliya una ballan qaaday wixii karaankiisa ah inuu ummadda somaliyeed u qabanayo, qorshihiisuna yahay xallinta khilaafka dhex yaal ummadda somaaliyeed, si wadajir ahna looga qayb galo dawladdiisa.

 
Xafladdan guusha ku dhamaatay mas'uuliyiinta soo qabanqaabiyay ayaa waxaa ka mid ahaa Mudane Maxamed Cilmi Iidow, Racwi Xalane Dhoorre, Inj. Xassan cali Shariif, Ugaas bashir  Farah Siyaad (gurey), Ubah Dhiblawe (ordaaye), Ubah Abshir Farax,  oo ayagu dhammaan ka mid ah mas'uuliyiinta sare ee haya'adda samafalka Dooxo.





Xafiiska
Minneapolis
webmaster@ceelbuuronline.com


 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online