Muqdisho, Mar, 03, 2009
(COL)
A/C/Waraxma,
From :Jaaliyadda Maxamud Hiraab ee USA
To :Wasiirka Warfaafint ee Dawladda
Midnimo Qaran
: Mudane Farxaan Cali gaban
Ujeeddo: Dhambaal Hambalyo
Mas'uuliyiinta
Beesha Maxamuud Hiraab ee ku nool Dalka Maraykanka ayaa khadka teleefanka kula
hadlay wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Midnimo Qaran Mudane Farxaan Cali Gaban.
Wasiirka iyo Mas'uuliyiinta ayaa khadar 30
daqiiqo ah kuwada hadlayay teleefanka, waxayna bahda reer dooxo ee Maraykanka
Wasiirka ugu hambalyeeyeen xilka cusub ee loo
magacaabay, una ballan qaadeen inay la shaqayn doonaan wasiirka, si buuxdana u
taageersan yihiin.
Sidoo kale waxay bahda reer Dooxo ee maraykanka
u rajeeyeen Wasiirka in xilka loo xilsaaray ilaah u fududeeyo, kii dalkiisa,
dadkiisa iyo diintiisa waxtarana ilaah ka dhigo AAMIIN AAMIIN.
wasiirka iyo mas'uu;iyiinta Beesh Maxamud
Hiraab ee maraykanka waxay isku afgarteen inay si buuxda u wada shaqeeyaan
gudaha iyo dibaddaba, xiriir joogta ahna yeeshaan.
Sidoo kale, waxay bahdu wasiirka kula
dardaarmeen in asaga iyo mas'uuliyiinta kale ee dawladda iyo baarlamaanka ku
jira ay ka shaqeeyaan qaabkii loo xoojin lahaa kaalinta ay kaga jiraan xilalka
dawladda iyo baarlamaankaba, hadda kadibna loo heli lahaa mas'uuliyad u taagan
xaqa beeshu ku leedahay qaybsiga jagooyinka dawladda iyo baarlamaankaba.
Ugu dambayntii, Bahdu waxay wasiirka u
rajeeyaan kahyr badan , guul iyo Samir fara badan, kana codsadeen inuu salaan
walaaltinimo ka gaarsiiyom walaalaha reer dooxo ee ku jira dawladda iyo
baarlamaankaba.
Magacyada Mas'uuliyiinta Bahda Dooxo ee USA:
1-Chairman and President of east African
Comunity Ugaas Maxamed Ismaaciil Shuuke
2-G/sare Cabdi Weheliye Afrax
3-G/le Nuur Fiidow Dhiblaawe
4-Agaasime Salaad Cabdi Jaan
5-Guddoomiyaha HSDooxo Bashir Ilkawayne
6-Madaxa Hsdooxo ee USA Inj. Xassan Cali
Shariif
7-Xooghayaha caafimaadka Hsdooxo Daahir Axmed
Kaahiye
8-Madaxa Dhismaha Isbitaalka Dooxo Maxamed
cilmi iidow
9-Madaxa Qaran-Express ee America Bashir
Faarax Siyaad.
10-Madaxa Qaran-Express ee Minisota(USA)
Cadceed Cabdulle Warsame Cawale
11-Afhayeenka Ahlu-Sunna-Wal jamaaca Sheekh
Cabdinur Geelle Rooble
12-Dooho Community Organizer (usa) C/qaadir
Axmed Fiidow
13-Madaxa Guddiga Odayaasha Osman Axmed Raage
14-Madaxa Haweenka reer Dooxo USA Siraad
Maxamud Xabbad
15-Faadumo Xaashi Dhuxulow
16-Xaawo Geeddi Farayare
17-Xaadsan Cigalle dabey
18-Chairwomen of US Women Org. Mrs. Faadumo
Maxamud Shuuriye
19-Secretry of HSDooxo in USA Mrs. Racwi
Xalane Dhoorre
20-Ubax Xassan Dhiblaawe(ordaaye)
21-Xubin Guddiga Odayaasha Dheere Kaariye
Cawaale
22-Xubin Guddiga Odayaasha Abshir Geeddi
Diraac.
Iyo dhammaan
Walaalaha reer Dooxo ee ku nool Maraykanka waxay dhambaal hambalyo u dirayaan
wasiirka warfaafinta ee dawladda midnimo qaran Mudane Farxaan Cali Gaban,
waxayna mar labaad u rajeeyeen Guul, Dadaal badan iyo Samir.
Wabillaahitawfiiq,
CEELBUURONLINE.COM
Nagala
soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
© Ceelbuur Online
