Warbixin ku saabsan iskuulada Dooxa

Muqdisho, Sep, 06, 2009 (COL) Iskuulada dooxa waxay kuyaalaan gobalka galkaduud gaar ahaan deegaanada ku xeeran dagmada CEEL GARAS waxayna kakooban yihiin  lex iskuul oo kala ah:

a)        dugsiga hoose dhaxe CEEL GARAS dugsigaan waxaa dhigta 70tan arday waxaana ugu sareeya galaaska sideedaat waxaana wax ka dhiga sadex macalin oo midkood yahay maamule 

b)        dugsiga hoose dhaxe CEEL LAHELAY waxaa dhigata boqol koow iyo toban arday waxaana ugu sareeya faslaka shanaad waxaana wax kadhiga sedex macalin oo midkood  yahay maamule

NB:ardaydii dhigan jirtay faslada sare iskuulka way kata geen intoodii badneyd waxay galeen nidaamyada ciidan ee kajira dalka kadib markii ay tashkiiliyeen rag udhashay deegaanka

c)        dugsiga hoose dhaxe CEEL QOOXLE waxaa dhigata koow iyo konton arday waxaana ugu sareeya fasalka sedxaad waxaana wax kadhiga labo macalin  midkood yahay maamule

 NB:ardaydii dhigan jirtay faslada sare iskuulka way kata geen intoodii badneyd waxay galeen nidaamyada ciidan ee kajira dalka kadib markii ay tashkliiliyeen rag udhashay deegaanka

d)        dugsiga hoose dhaxe GARBLA dugsigaan waxaa dhigta todobaatan arday waxaana ugu sareeya galaaska todobaad waxaana wax ka dhiga sadex macalin oo midkood yahay maamule 

e)        dugsiga hoose dhaxe XIIN DHEERE waxaa dhigata todobaatan iyo shan arday waxaana ugu sareeya faslaka afaraad  waxaana wax kadhiga labo macalin oo midkood  yahay maamule

Dhamaan iskuuladaan waxaa lafuray 1-da bisha august 2009 marka laga reebo ceel lahelay kaasoo lafuray labaatanka bisha august sababa jiray awgood xalkoodina aan kuguuley sanay wada hadal dheer kadib  haatan wax barshada iskuulada si fiican ayay usocotaa waxaase mushkilad naga haysata xaga mushaaraadka oo wadamada qaar lasoo daahayo .

waxaan halkaan ugu mahadnaqayaa wadamada iyaga soo dadajiya mushaarraadka gaar ahaan Canada, Denmark, Finland, England, waxaan rajeynayaa wadamada kale iney kudaydaan

     f)   dugsiga hoose dhaxe iyo sare Ceelbuur waxaa socota qaban qaabadii lagu furi lahaa           waxaana rajeynayaa inuu furmo ugu dam beyn labaatanka sebteebar waxaan kutala           jirnaa mustaqbalka inuu noqdo dugsi sare oo la isugu keenaayo ardayada dugsiga          dhaxe uga soo baxday iskuulada kale

furitaanka iskuulkaan waxuu ubaahan yahay :

1) Manhajkii iyo muqararaadkii lagu dhigi lahaa kaasoo ubaahan qarash dhan           $100

2) Qalabeyn xafiis                                          $400        

3) Qarash xafladeed                                         $200

 Qarashka kormeerka iyo iskuul soo furista   $300

4) Qashaadka kadhiman kuraasta                   $500

isukeyntoodu waa                                             $1500

waxaan rajeynayaa in aad xagiina kasoo fududeysaan



Prof Ibrahim Sh C/Wahid''
Mugadisho, Somalia
 Profibraahim@hotmail.com